Xaalad cusub oo ku soo korortay Taksiileyda Soomaalida Netherlands [VIDEO NEWS]

Kulan ay maanta  ku yeesheen qaar ka mid ah taksiileyda Soomaaldia ee ku dhaqan dalka Netherlands Magaalada Amsterdam ayaa looga hadlay xaalad cusub oo ku soo korortay darawalada baabuurta loo yaqaan Uber-ka, kaddib markii maxkamadda darajada hoose ah ee dalkaasi ay taageertay go’aan ruqsad loogu siinayo taksileyda in ay sameysan karaan shirkad Ubber ka madax-bannaan.

Shirkadda Uber ayaa go’aanka maxkamadda racfaan ka qaadatay, waxeyna shirkaddu quud-dareyneysaa in dadka ku shaqeysta Taksiyada Uber ay shaqaale u noqdaan shirkadda.

Shirkan, oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada taksileyda ah waxaa lagu casuumay Garyaqaanad Safiya Roble-van Deursen oo ah garyaqaan & Aqoonyahan Adan Ashkir oo ah khabiir dhinaca xisaabaadka & canshuuraha, waxaanna barnaamijka xiriirinayay Cabbaas Cali Nuur oo qudhiisu ah xisaabiye.

Dadkii ka soo qeybgalay kulankan ayaa su’aalo dhinaca sharciga ah weydiiyay Safiya & Aadan, waxaanna si qota-dheer looga dooday  halka  taksiileyda Soomaalidu ay maslaxadooda ku jirto in ay tahay in ay shaqaale u noqdaan Ubbar & in ay si madax-bannaani ahi u shaqeystaan.

Safiya Roble, Adan Ashkir & Cabbaas Cali Nuur oo u waramay Somali Nederland TV ayaa si faahfaahsan kaga hadlay arrintan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *