Sheekh Suldaan Gasle, oo ah dhinac ka mid ah dhinacyada uu u dhexeeyo khilaafka ka taagan masjid Quba, ayaa sheegay in haweeneyda garyaqaanada u ah ragga masjidka ku haray ka dalbatay [maalintii maxkamada la joogay] in haddii uu dacwada joojiyo u balanqadayaan in ay lacag magdhow ah siiyaan.
“Lacag qaado ayeey yiraahdeen ma ogtahay ?” Ayuu Sheekh Suldaan ku yiri dadkii uu la hadlayay, isaga oo u sharaxay wixii dhacay intii ay dacwadu socotay, wuxuuna intaasi sii raaciyay. “Waxay igu yiraahdeen lacag qaado dacwadiina ka soo laabo”.
Yuusuf Ibraahim oo ka mid ah dadkii goobtaasi ku sugnaa, ayaa isna wuxuu dhiniciisa sheegay in uu heli karo 3 kun qofood oo ka mid ah deeq-bixiyayaasha masjidka, si ay isu garab taagaan Sheekha, inkastoo ay dad badani u arkayaan hadalka ka soo yeeray Yuusuf inuu yahay mid afka baarkiis ah.
Waxaan isku daynay inaan xiriir la sameyno ragga masjidka ku haray si aynu wax uga weydiino waxa ka jira in ay Sheekha ay ka dalbadeen in haddii uu dacwada joojiyo ay magdhow siinayaan, hasse ahaatee nooma aysan suurtagelin inaan helno.