C/QAADIR KEDIYE: “Guddiga dhexdhexaadinta waxaa ku jira rag sifo aan sharci ahayn lacagaha masjidka deyn loogu siiyay”

Maalinimada Axada ee taariikha Hjiriyadu tahay 12-Safar-1443, kuna beegan 19 September ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah jaaliyadaha  Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands in ay la kulmaan  guddi odayaal ah oo in muddo ah a isha ku hayay  khilaafka dhex aloosnaa guddiga maamula masjidka Quba, oo ah masjid Soomaalidu ay maamulaan, kuna yaal Amsterdam.

 C/qaadir Kediye wuxuu ka mid yahay maskax-maalka Soomaalida, in muddo ah ayuu la  socday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray khilaafka u dhexeeya guddiga maamula masjidka.

C/qaadir sidoo kale, wuxuu safka hore kaga jiray walaalaha hirgelinta masaajidka ku bixiyay  juhdiga, isaga oo  aragtidiisa shaqsiga ah ka dhiibanaya waxyaabaha la isku hayo & dhumucda khilaafka waxa uu u soo jeediyay waxgaradka Soomaalida in labada daraf ee uu khilaafku ka dhexeeya si cadaalad & hor ALLE ah in loogu kala garqaado.

“Hadal jeedintii dheereyd ee Axadii uu waddaadka Shiikh Suldaan Soomaalida kula hadlayay anigu 2 qoddob ayaa igaga baxay.  Qoddobka 1-aad wuxuu ahaa in Shiikhu ku taagan yahay lixdii qoddob ee lagu heshiiyay ee labada daraf ay saxiixeen sidii loo fulin lahaana ay lagama maarmaan tahay in la helo dad madax bannaan oo fulinta qoddobaas u kor-joogteeya si hufnaan & cadaalad ku dhisan & Qoddobka 2-aad ee ahaa; in Shiikhu sheegay in amaanadii ay ummadda u dhiibatay uu ku soo celiyey , waalalaha kalena looga baahan yahay in ay qaataan go’aankaas geesinimada leh oo kale, ummadduna ay u tasho sidii ay ka yeeli laheyd ama iyaga ha ku celiyeen ama cid kale ha u magacowdeen” Ayuu yiri C/qaadir oo waraysi siinayay shabakadda Somnieuws.

C/qaadir wuxuu beeniyey in khilaafku u dhexeeya Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga & maamulka oo dhinaca kale, isaga oo xusay in dadka sida sharciga ah ugu qoran mas’uuliyada masaajidka ay ahaayeen 3 qofood oo Shiikhu guddoomiye u yahay.

“Marka hore waa in aynu fahanaa cidda is haysaa waa ayo.? 3 qofood oo ku wada qoran maamulka masjidka ayuu khilaafku u dhexeeyaa. Shiikh Suldaan oo guddoomiye ah, Guuleed Wayrax oo lacag-haye ah iyo Shiikh Ibraahim [Abuu Khadiija] oo xog-hayn ah. Saddexdaas qof ayaa u diiwaangashan maamul ahaan masjidka, haddii cid loo kala gar-noqayo waa in saddexdaas walaalo loo kala gar-qaadaa. Waxaan ka mid ahay dadka sida dhow ula socda marxaladihii uu soo maray masjidku Quba Amsterdam. Masaajidkan hirgelintiisa dadka ugu badan ee lacagaha ku yaboohay waa Soomaalida dalkan ku dhaqan, waxayna xaq u leeyihiin in lala socodsiiyo marxaladaha khilaafka & waxa la isku hayo, ciddii qaldanna la wada arko, fartana lagu fiiqo” Ayuu yiri aqoonyahan C/qaadir Kediye oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, sheegayna inuu ka mid yahay dadka ku xiran masaajidka, isaga oo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in habsami u socodka howsha masaajidka laga hor mariyo wax kasta oo kale.

C/qaadir, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in isaga & rag kale oo saaxiibadiis ah ay ula muuqatay in maamulka masjidka si ku meel gaar ah in  shaqa-joojin loogu sameeyo, loona dhiibo socodsiinta howlaha masjidka guddi cusub, inta laga xalinayo khilaafaadka u dhexeeya guddiga maamulka.

C/qaadir, waxaa kale uu sheegay in aanu kala jecleyn Shiikh Suldaan joogitaankiisa & in la ruqseeyo, balse muhiimadiisu tahay in la ogaado dhumucda khilaafka iyo waxa la isku hayo.

“Walaalaha Shiikha ka soo horjeeda qaladaadka ay sameeyeen waxaa ka mid ah; markii sharciga la isla tegay Shiikha lacagaha dacwada & garyaqaanka kaga baxay isaga ayaa jeebkiisa ka bixinayay, darafka kale lacagihii masaajidku lahaa ayeey isticmaalayeen. Teeda kale, Guddiga lagu leeyahay waa guddi dhexdhexaadin ah, haddii meesha ay dan [intrest] soo gasho laguma tilmaami karo dhexdhexaad. Ka warrama haddii mid ka mid ah ragga guddiga ka tirsan loo balanqaaday in marka Shiikha meesha laga tuuro in isaga uu masjidka iimaam ka noqonayo.? ama ay ku jiraan rag sifo aan sharci aheyn lacagihii masaajidku lahaa deyn ahaan lagu siiyay oo masjidka ay deyn ka qabaan muddo ka badan 3 sanno, sideey sax ku noqoneysaa dhexdhexaadnimadooda.? anigu xaqiiq “facts” baan ka hadlayaa mala-awaal kama hadlayo. Guddi dhexdhexaad ah laguma tilmaami karo walaalaha Tilburg & Eindhohoven ku sugan intooda badan, mana aha in caqliyadeena lagu ciyaayo” Ayuu yiri C/qaadir, isaga oo intaasi sii raaciyay:

“Eeg….waxaa jira qoddob ku jiray warqada ay Shiikha u soo qoreen ee ay ku qeexayaan in awoodiisii ku qorneyd [status] in iyaga ay la wareegayaan, warqadii uu sheegay waddaadka in lagu qasbay inuu saxiixo waxaa ku jirtay in awoodii uu lahaa guddoomiyaha ay qaataan guddiga dhexdhexaadinta Tilburug, waxaa kale oo jirta in waddaadka ay tahdiid ku sameeyeen xubno guddiga ka mid ah, wuxuu ka sheegay madashii uu Soomaalida kula hadlayay maalintii Axadda, in nin guddiga ka mid ah uu ku yiri: “Waxa ay kaa sheegayaan ragga aad is haysaan markii hore been baan u haysanay, balse markaan dhaqankaaga aragnay waxaan ogaanay in ay saxan yihiin, annaga ayaa Soomaalida u sheegeyna qofka aad tahay” Marka su’aashu waxay tahay guddi daraf ka mid ah 2dii daraf ee laga sugayay in ay dhexdhexaadiyaan la safan, oo sidaas waddaadkii ugu bahdilaya garabkii kale oo madasha fadhiya sidee lagu aamini karaa dhexdhexaadnimadooda.? Soomaalida ayeey u taalaa in guddi noocaas ah ay war ka dhageystaan”

C/qaadir, waxa kale oo uu sheegay in lacagaha masjidka ku soo xarooda aysan marin hab-raac [process] sax ah.? isaga oo arrintaasi ka hadlaya na waxa uu yiri:

“Sida sharcigu dhigayo lacagaha masaajidku leeyahay marka la soo uruuriyo, ee la xisaabiyo, waa in 2 qof saxiixdaa, bangiga lagu shubaa, bangiga laga arki karaa, sida ay u baxaanna waa in bangiga lagala socdaa masaajid ma noqon karo familiebedrijf”

C/qaadir, wuxuu ku tilmaamay hab dhaqan aan la aqbali karin in ragga ay waddaadka is hayaan marka loo sheego qaladkooda in masaajidkii ay gabaad ka dhiganayaan, oo ay leeyihiin masaajidka ayaa duulaan lagu yahay.

“Ragga Shiikha ka soo horjeeda waxaa ku jira nin af-macaani iyo ballaaqad kulansaday ma doonayo inaan magaciisa sheego waxay ku soo heshiiyaan isaga ayaa loo soo dhiibaa, isaga oo aan si hufan u miisaamin ayuu la soo shir tagaa, Shiikhu wuxuu ku yiraa: carabkaan ILLAAH baa ku siiyay qadiyadaha aad difaacayso iska hubi. Waxyaabaha kale ee aad la yaabayso waxaa ka mid ah, metelan qof marti ah ayaa u imaanaya lacagtii masjidku lahaa ayeey sideey doonaan ugu tasarufayaan, si shaqsi ah ayaa loo isticmaalayaa. Shiikhu wuxuu oran jiray, xoolahaana miyeeydnaan ILLAAH uga baqayn.? dagaalku ugu weyn ee Shiikha lagu qaaday wuxuu ahaa waxay dhibsadeen war ka daaya’daas uu ku hayay” Ayuu yiri C/qaadir, wuxuu ku celceliyay in waddaadku qadiyadaha uu ku durayay ragga ka soo horjeeda in ay ugu wayn tahay qaddiyada ku takri-falka hantida masaajidka loogu talogalay.

C/qaadir Kediye, wuxuu tusaale u soo qaatay dadka ugu badan ee masaajidka ka shaqeeya in ay yihiin caa’ilada guddiga, isaga oo arrintaasi faahfaahinaya waxa uu yiri:

“Masjidka dadka ugu badan ee laga shaqaaleeysiiyay waa caruurtooda & ehelka ragga maamulka haya, hal nin baa ku jira oo ay shaqada u qoreen isaga na 2 goor bay damceen in ay shaqada ka eryaan Shiikh Suldaan ayaa ka hor istaagay, taksi ayeey u iibiyeen iyagii buu la safan yahay iminka, ileeyn xaalkiisu waa af wax cunay xishoo’e, inaan magaciisa sheego ma doonayo wuu is yaqaanaa, waxaa masjidka soo martay caruur aad u fahmad fiicnaa, oo haddii fursad la siin lahaa meel sare gaari lahaa, ma doonayaan in ay fursad siiyaan waxay doonayaan dad ay ku kalsoon yihiin in ay meesha joogaan, shuruudaha ay dadka ku xulanayaan waxaa ka mid ah qofku inuusan noqon qof wax fahmaya, dadka waxgaradka ah waxaan ku boorinayaa in arrintaasi baaritaan dhab ah ku sameeyaan”

C/qaadir, waxaa kale oo uu sheegay in qoddobadii ugu horreeyey ee la isku qabsaday in ay ka mid aheyd in masjidka sii ahaado qeybta hoose, qeybta kore na laga dhiso dabaqyo lana sii kireeyo.

“Shiikha arrintaasi mowqif cad ayuu iska taagay, wuxuu yiri taladaasi aan Soomaali ku celino, taladii masaajidka 2 nin baa iska haysata suurtagal na ma aha” Ayuu yiri C/qaadir Kediye.

“Lacago masaajidku lahaa ayaa lagu bixiyay mashruuc uu watay nin dhalinyaro ah oo Ingiriiska dagan mashruucii wuu qasaaray, lacagtiina waxaa laga bixiyay qasnada masaajidka, bal eeg dulmigaas.? Dhacdo kale. nin guddigan dhexdhexaadinta ee Tilburg ka mid ah, ma doonayo inaan magaciisa sheego lacag tiro badan oo dayn ah ayuu masaajidka ka qabaa, balantu waxay ahayd inuu 6 billood ku soo celiyo, 3 sanno ayuu sii marayaa, Shiikh Suldaan isaga oo safar ka soo laabtay bay is arkeen markaas buu ku yiri: Dayntii uu masaajidku kugu lahaa ma bixisay.? wuxuu ku jawaabay: hebel & hebel waxay igu yiraahdeen markaad doonto iska bixi. Sideey ku dhici kartaa hantidii masjidku lahaa in sidaa loogu takri falo. waxay aheyd in sharciyad adag laga soo saaro dhinaca dhaqaalaha masjidka, oo shilling kasta ee masjidku leeyahay go’aan ka gaaristeeda loo saaro guddi bulshadu ay soo xulatay, arrin sax ah ma aha in dhaqaalaha masjidka 2 ama 3 qofood in ay go’aan ka gaarto” Ayuu yiri C/qaadir, wuxuuna intaasi sii raaciyay in waddaadku ku celceliyay waxgaradka Soomaalida in ay ku baraarugaan ragga maamulka masjidka haya in mas’uuliyada lagula xisaabtamo.

Aqoonyahan C/qaadir ugu dambeyntii waxa uu ku tilmaamay in ay tahay tillaabo geesinimo leh in waddaadka Shiikh Suldaan ka sheego meel fagaara ah in mas’uuliyadii ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland u hayay inuu dib ugu soo celiyay.

 

FIIRO GAAR AH: Waxaan isku daynay inaan darafta kale ee guddiga la dhaliilayo ah aan xiriir la sameyno, balse xagooda ayeey suurtagal ka noqon waysay.

Mas’uul kama nihin aragtida uu soo jeediyay qofka hadlaya, isaga ayeey u gaar tahay.

Si arrimaha quseeya khilaafka masaajidka, aan dadweynaha ugu soo gudbino, baaritaanadeenu weli waa ay socdaan ciddii xog sax ah haysana waxay nagala soo xiriiri karaan ciwaanka hoos ku qoran. E-mail: [email protected]

Read Previous

AMSTERDAM: Soomaalida Holland oo maanta dhageystay daraf ka mid ah darafyada isku khilaafsan maamulka masjidka Quba [SAWIRRO]

Read Next

Guddiga Masjid Quba oo markii ugu horreeysay saxaafadda kala hadlay khilaafka masjidka Amsterdam

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *