Aqoon-iswaydaarsi looga hadlayay qoddobo muhiim ah oo lagu qabtay Nederlands [SAWIRRO]

Hay’adaha Jamaal Foundation & Himilo, oo ka dhisan dalka Nederlands ayaa iska kaashaday kulan aqoon-iswaydaarsi ahaa, loogana hadlayay qoddobo xilligan loo arkay in ay yihiin kuwa xasaasi ah, loona baahan yahay in bulshooyinka ay Soomaalidu ka mid ta fursad loo siiyo in ay ka hadlaan aragtida ay ka qabaan.

Kulankan oo muhiimad gaar ah xambaarsanaa, waxaa qoddobadii diirada lagu saaray ka mid ahaa:-

Aragtida dadyowga ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay ka qabaan talaalka cudurka Karoonaha, iyada oo halkaasi lagu soo bandhigay su’aalo dhowr ah oo ka tarjumayay aragtida & dareenka dadku ka qabaan talaalka, waxaanna su’aalahaasi ka jawaabayay Inge Solomons oo ka socotay hay’adda GGD oo ah hay’ad dowladda Nederlands u qaabilsan arrimaha la xiriira talaalka.

Qoddobka 2-aad ee kulanka lagu soo qaaday wuxuu ahaa;-

Wacyigelin la xiriirtay in gebi ahaanba dalkan “Nederlands” ay mamnuuc ka tahay nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha ah, waalidiinta falkaasi sameeyana ay mudanayaan ciqaab isugu jirta xarig & ganaax.

Cabaas Cali Nuur oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, oo barnaamijka xiriirnayay ayaa ka soo qeybgalayaasha oo isugu jiray wadamo dhowr ah, si koobban ugu sharaxay in talaalku yahay dhabaha qura ee xalka u noqon karo waqtigan haddii qofku qaado cudurka Karoona inuu ka bogsan karo hadduu ALLE qadaro.

“Anigu, waxaan ka mid ahay dadka qaba in la is talaalo, haddana waxaa jira dad walaac badan ka qaba talaalka, walaacoodu wuxuu u badan yahay ku tiri-ku-teen, dadka qaar baa ku leh haddaad is talaasho 2 sanno kaddib ayaad dhimaneysaa, run-na ma ahan, waxaan ugu baaqayaa dadku in ay talaalka qaataan yar & wayn ba” Ayuu yiri Cabaas Cali Nuur.

Nafiso Nuur Cusmaan oo ah Soomaaliyad, kana mid ah howl-wadeenada la shaqeeya hay’adda GGD, ayaa iyada oo sharaxeysa fikirkeeda la xiriira talaalka waxay ku baraarujisay ka qeybgalayaasha inay qaataan talaalka, waxayna intaasi ku dartay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in talaalku dhibaato ku yahay bad-qabka qofka.

“Soomaalidu waa bulsho si dhaqsi ah hadalka isugu gudbisa, si degdeg ahna u aaminta beenta, haddii talaalka lagu jiranayo maxay Hollandeeysku u qaadanayaan.? in talaalka lagu xanuunsanayo waxba kama jiraan, waxaan kula talinayaa qof kasta oo Soomaali ah isaga iyo qoyskiisa ba in ay talaalka qaataan” Ayeey tiri Nafiso Nuur Cusmaan.

Guddoomiye ku-xigeenka FSAN Maxamed Cusmaan [Guurre] oo munaasabada ka hadlay wuxuu u mahadceliyay Jamaal Foundation & Himilo, isaga oo ugu baaqay dadka Soomaalida in ay is talaalaan.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda Cabduqaadir Cali [Nuune] oo la hadlay ka soo qeybgalayaasha wuxuu dhinaciisa ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim u tahay in bulshadu hesho jawaabaha su’aalo dhowr ah oo maskaxdooda ka dhex guuxaya, isaga oo uga mahadceliyay hay’ada Jamaal Foundation abaabulka kulankan.

“Runtii waa loo baahan yahay isu imaatinada nuucan ah, oo dadku ay aragtidooda is dhaafsanayaan, waxyaabaha mugdiga ku jirana fursad loo siinayo in wax laga weydiiyo dadka cilmigaas ku shaqada leh, waana sida ay diinteenu ina fareyso “fas’aluu ahla dikri in kuntum laa taclamuuna”, waxaan u mahadcelinayaa hay’adda Jamaal Foundation oo inoo suurtagelisay in ay inoo keento GGD si wax looga weydiiyo su’aalaha ugu badan ee dadka maskaxdooda ka dhex guuxaya” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Fatuma Kamara oo u dhalatay dalka Siraliyoon, kana mid aheyd ka qeybgalayaasha waxay soo bandhigtay aragti ka duwan tii dadka badidood ay muujiyeen, waxayna dhinaceeda tilmaantay in ay jiraan dad badan oo markii ay talaalka qaateen ku xanuunsaday.

“Saaxiibteey markii ay talaalka qaadatay waa xanuunsatay, waana dhimatay, waxaa jira dad kale oo fara badan oo ku xanuunsaday, anigu ma dhahayo yaan la is talaalin haddana waxaan qabaa in la ogaado sababta soo dedejisay dadkani ugu xanuunsadeen talaalka” Ayeey tiri Fatuma Kamara.

Wejiga 2-aad ee aqoon isweydaarsiga waxaa si qoto-dheer looga hadlay mowduuc kale oo xiiso gaar ah xambaarsanaa kaas oo ahaa; sida ay mamnuuc uga tahay guud ahaan dalalka Yurub, gaar ahaan dalkan Nederlands in gabdhaha la gudo.

Cabdikariin Maxamuud oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Himilo ayaa soo bandhigay macluumaad dhammeystiran oo la xiriira waxa ay mudan karaan waalidiintu haddii ay ku dhaqaaqaan falalka gudniinka gabdhaha.

“Nasiib darradu waxay tahay in weli ay jiraan waalidiin caruurtooda [gabdhaha] xilliyada fasaxa dibedda ku soo guda, ha ogaadaan sharuucda dalkan ma ahan shuruuc laga dhuuman karo” Ayuu yiri Cabdikariin, isaga oo dadyowga ajnabiga ah kaga digay in ay ku dhaqaaqaan fal lidi ku ah shuruucda dalkan.

Qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaasha ayaa fursad u helay in ay wax ka weydiiyaan Cabdikariin arrimaha la xiriira gudniinka gabdhaha, waxaanna su’aalihii la weydiiyey ka mid ahaa, haddii waalidku isaga oo ka dhega xiran shuruucda dalka ka jirta ay gabdhahooda dibedda ku soo gudaan waxa ay mudan karaan.

“Sharciga ciqaabta ah ee lagu qaadayo qofkii falkaasi ku dhaqaaqa looma kala qaadayo miyuu ogaa mise qabar-daar ayuu ahaa.? dalkan sharcigiisu wuxuu qeexayaa in ay mamnuuc tahay in gabar la gudo, qofkii falkaasi lagu ogaado inuu gaystayna wuxuu mudanayaan ciqaab adag, annagu howsheena waxay tahay inaan dadkeena arrintaasi ka wacyigelino” Ayuu yiri Cabdikariin.

 

 

Read Previous

Xaafada Nunspeet, oo u mahadcelisay Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda C/qaadir Nuune [SAWIRRO]

Read Next

Amal: ‘Waxaan karantiil 10 cisho ah ku galay London, anigoo aan gelin dalkii aan u socday.’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *