Jaaliyada Soomaalida Nederland oo su’aalo xasaasi ah waydiiyay saraakiil ka socotay Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda

AMSTERDAM – Saraakiil ka tirsan howlgalka la dagaalanka burcad badeedka ee xaabaha Somalia ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) ayaa 2-dii Bishan October kulan saacado badan qaatay la yeeshay xubno ka mida jaaliyadda Soomaalida dalka Netherlands, iyagoo uga warbixiyey howlaha ay ka hayaan biyaha Soomaaliya oo marin muhiima u ah maraakiibta ganacsiga aduunka.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Amsterdam,  ayna soo qaban qaabisay dallada FSAN waxaa ka soo qeyb galay shaqsiyaad iyo madaxda qaar ka mida ururada jaaliyadda Soomaalida dalkan Netherlands.

Masuul ka tirsan wafdigii saraakiisha EU NAVFOR ayaa ugu horeyn halkaasi si faahfaahsan uga warbixiyey howlgalada ay ka fuliyaan xeebaha Soomaaliya, sida la dagaalanka burcad badeeda, ilaalinta marinka muhiimka ee maraakiibta ganacsiga aduunka, tababarida ciidamada badda ee maamulada ka jirta Soomaaliya, wada-shaqeynta dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe ee federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo uu sheegay inay wada shaqeyn la leeyihiin hay’adaha samafalka ee Q.M

Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederlands, ayaa shalay la kulmay saraakiil ka socotay Howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub, oo magacacooda loo soo gaabiyo [EU NAVFOR].

Intii uu kulankaasi socday waxaa jiray doodo furan iyo suaalo ay ka jawaabeen saraakiisha EU NAVFOR, iyadoo Soomaalida kulankaasi ka qeyb gashay ay u xiisnayeen inay waxa badan ka ogaadaan waxa ka socda xeebahooda.

Suaalahii madasha lagu soo bandhigay waxaa ka mida:

Burcad-badeedu ma ahan sidii hore, waxaase ka daran burcad-badeeda maraakiib si sharci darro ah kaga kaluumeysta baddeena, isla markaana xaalufiyay khayraadkii badda, iyada oo qatartaasina la iska indha tiray, ciidamada Midowga Yurub arrintaasi maxay wax uga qaban la’ yihiin.?

Saraakiishu, waxay sheegeen in howlaha ay u xilsaaran yihiin aysan ku jirin ka-ilaalinta xeebaha Soomaaliya maraakiibta ama cid kasta ee sharci darro kaga kaluumeysata, balse bar-tilmaameedkoodu yahay oo keliya la dagaalanka burcad badeeda.

Waxaa kale, oo la weydiiyay sida ay u kala saaraan kaluumeysatada Soomaalida ee ku hubeysan qoryaha fudud si ay isaga difaacaan haddii weeraro ay kaga yimaadaan maraakiib & doomo sharci darro ku kaluumeysta; Saraakiishu waxay sheegeen in marka ay qabtaan doon hubeysan in ay baaritaan sameeyaan, si ay u xaqiijiyaan in ay yihiin burcad-badeed iyo in ay kaluumaysato yihiin.

Su’aal kale, oo la waydiiyay ayaa ahayd; Xilliga ay ku egtahay howlgaladooda & haddii ay jiraan mustaqbalka dhow tababaro ay siinayaan ciidamada badda Soomaaliya si ay howlgalada ugu wareejiyaan.?

Saraakiishu, waxay ku nuuxnuuxsadeen in howgalkoodu yahay 2 sannadle, kaddib na haddii loo arko in baahidii loo qabay joogitaankooda xeebaha Soomaaliya weli taagan tahay in loo cusbooneysiiyo howgalka 2 sanno kasta; Qoddobka kale ee ku soo biiritaanka ciidamada badda Soomaaliya wuxuu sheegay in xiriir wanaagsan ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, ayna rajeynayaan goor ay ahaataba in ay howshaasi kala wareegaan ciidamo Soomaali ah.

Garyaqaan Muuse Xersi oo ah xeel-dheere sharciyada caalamiga ah, ayaa su’aalihii uu weydiiyay saraakiisha waxa ka mid ahayd: Ma nala wadaagi kartaan Maap-ka aad ku shaqeysaan ee tilmaamaya zoonka ciidamadiinu ay ka howlgalaan, maadaama uu jiro qayb ka mid ah badda Soomaaliya oo ay muran geliyeen Kenya & Yeman, idinku dhulalkaas ma ka howlgashaan.?

Saraakiishu, waxay sheegeen in ay ku shaqeeyaan Maap ay siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Su’aalaha kale ee la weydiiyay waxay ahayd: Maxaad ka qabateen arrinta ku saabsan qashinka & haraaga sunta nukliyeerka ee lagu aaso xeebaha iyo badda Soomaaliya..?

Saraakiishu, waxay sheegeen in howlgaladoodu aysan arrimahaasi quseyn, bartilmaameedkooduna yahay la dagaalanka burcad- badeeda.

Waxaa kale, oo la weydiiyay: Ma haysaan tiro koob sax ah oo muujinaya waxa ka dhacaya xaalufka badda, waase halkee zoonka ugu badan ee ay maraakiibta sharci darrada kaga kaluumeysata xeebteena ay kheyraadka ka qaataan.? Waxay mar kale ku celiyeen in aysan baaritaanada nuucaas ahi u xilsaarneyn.

Nur Iman Ikar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, horay na isugu soo sharaxay baarlamaanka Dutch-ka, ayaa si koobban u sharaxay taariikhda & marxaladihii dalku soo maray, isaga oo xusay in marxaladuhu maalin ba ay meel soo joogeen, haddana ay muuqato rajo tilmaameysa in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso burburkii ayna cagta saartay waddadii ay ku soo ceshan lahayd dowladnimadii ka luntay.

Iikar, isaga oo ka hadlayay intii lagu jiray marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, in marxalad waliba ay xasuus & taariikh gaar ah xambaarsaneyd, wuxuu daah-furnaan ku tilmaamay kulamada nuucan ah oo kale ah ee looga hadlayo tillaabooyin lagu saxayo ama lagu bogaadinayo shaqooyin muhiim ah oo looga hadlayo masiirka dalka.

“Qoys-kayga oo uu aabaheey hormuud u yahay mar walba waxaan ka fikirnaa in cilmiga aan halkan ka kororsano inaan dalkeena Soomaaliya ku celino, annaga oo ka qeybqaadaneyna sidii dowladnimo adag, kuna dhisan sharci & kala dambeyn dalkeenu u yeelan lahaa, dhowr & 10 sanno ka hor aabaheey qoyskeena ayuu isugu yeeray wuxuu nagu yiri “Waxaan rabaa inaan dalkii ku laabto, kana qeybqaato dib u dhiskiisa” annaga oo dhan waxaan u codeynay in ay ahayd tillaabo wanaagsan, aabaheey wuxuu ka mid ahaa madaxdii ka soo shaqeysay gobolka Banaadir, si la mid ah walaalaheey oo halkan wax ka bartay qaar baa dalkii ku laabtay si ay wax ugu celiyaan, inkastoo aan halkan ku barbaaray waxna ku bartay haddana dareenkayga intiisa badan halkaas buu jiraa” Ayuu yiri Iman Ikar, isaga oo u soo jeediyay qurba joogta, gaar ahaan dhalinyarada dalkan wax ku baratay in ay dalkii ku laabtaan, ayna qeyb ka noqdaan rajada dib u dhiska & wacyigelinta bulshada.

Guddoomiyaha jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda C/qaadir Cali [Nuune] oo ka mid ahaa xubnihii kulankaasi ka qeybgalay ayaa dhinaciisa soo dhoweeyey kulanka jaaliyada & saraakiisha EU NAVFOR, wuxuuna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in qurba joogto, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalalka Midowga Yurub in ay indhaha ku hayaan howlgalada ciidamadaasi; howlgaladaas oo ay suurtagal tahay in mararka qaar ay ka dhashaan tacadiya soo gaaraya kaluumeysato Soomaali ah oo aan waxba galabsan.

Guddoomiye Nuune, wuxuu u mahadceliyay saraakiisha sida daah-furnaanta ah ee ay ula hadleen Soomaalida, isaga oo ku booriyay in ay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaalida, xittaa kuwa bur-cad badeedka ah in haddii ay qabtaan ay helaan xukun cadaalad ku dhisan.

“Waxaan uga mahadcelinayaa guddoomiyaha FSAN Dr. Cali Waare & team-kiisa in ay fursad inoo siiyaan la kulanka saraakiishan, waxaan saraakiisha la wadaagnay walaac aan ka qabno in howlgalada ay baddeena ka sameynayaan inaan lagu dhibaateyn kaluumeysatada Soomaalida” Ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune.

Saraakiishii ka socotay EU NAVFOR ayaa abaalmarin caalami ah guddoonsiiyay Guddoomiyaha FSAN Dr.Cali Waare oo isagu soo qabanqaabiyay munaasabada, waxaanna kulankaasi soo xiray Qunsulka safaarada Soomaalida Brussels ee dalka Belguim, H.E SAli Mohamed Abukar (Cali Wolf)  isaga oo uga mahadceliyey saraakiisha EU NAVFOR sida ay kaga jawaabeen dhammaan su’aalihii ay qabeen Soomaalida.

Howlgalka EU NAVFOR waxaa la bilaabay sanadkii 2008-dii markaasi oo ay bateen falalka burcad badeedka Soomaalida ay ku afduubanayaan maraakiibta ganacsiga ee isticmaalaya biyaha Soomaaliya.

 

 

Somnieuws.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »