AMSTERDAM: Go’aankii maxkamaddu soo saartay 10-kii Febraayo kaddib, maxaa ku soo kordhay xaalada masjid QUBA.?

 

 Iyada oo 10-kii bisha Febraayo 2022 ay dhageysatay maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland dacwad u dhexeysay maamulka masjid Quba, oo ah masjid Soomaalidu leedahay ayaa waxaa jira guux ku saabsan go’aanka maxkamaddu qaadan doono marka ay soo idlaato 4-ta toddobaad ee loo qabtay xubnaha khilaafku u dhexeeyo inay dhexdooda soo wadahadlaan.

 

Wararka ku dhowdhow xubnaha khilaafku ka dhexeeyo waxay sheegayaan, in aysan waxba ka qabsoomin talo soo jeedintii maxkamadda ee aheyd; in xubnahaasi dhexdooda  soo wadahadlaan, inkastoo dhinac ka mid ahi uu sheegay in go’aanka maxkamaddu aanu aheyn idinka soo wadahadla, lana kala bixi doono fadhiyada soo socda.

Wararka naga soo gaaraya fadhigii 10-kii Febraayo waxay sheegayaan in Sheekh Suldaan dalbaday in dhinaca kale ay soo bandhigaan hantidii ku soo dhacday qasnada masjidka dhowrkii sanno ee u dambeeyay.  Sidoo kale, haweeneyda garyaqaanada u ah ragga masjidka ku haray ayaa la leeyahay waxay Sheekh Suldaan u soo jeedisay [intii uu socday fadhigii 1-aad] in dacwada uu joojiyo, lana siiyo magdhow.

Dhinaca kale, Sheekh Suldaan iyo saaxiibadii ayaa ku howlan  in ay dib u eegis ku sameeyaan qoddobadii looga hadlay fadhigii 1aad ee maxkamadda. Warar aan la hubin oo na soo gaaray waxay sheegayaan  suurtagalnimada qorshe lagu beddelayo garyaqaanka Sheekha;  Halka ragga weli haya maamulka masjidka la leeyahay markii ay qiimeeyeen fadhigii ugu horreeyey ee dacwada waxay ictiqaadeen in go’aanka maxkamaddu la mid noqon doono go’aankii Guddiga dhexdhexaadinta Tilburg & Eindhoven ee ahaa; in Sheekh Suldaan laga saxan yahay, ragga masjidka ku haray na yihiin kuwa jidka saxda ah ku taagan.

 

Si kastaba, walaaca ugu weyni ee ay ka siman yihiin mushtamaca Soomaalida ayaa ah, in ay ula muuqato gef aan garowshiiyo laheyn in khilaaf ka soo billowday 3 xubnood  ku soo dhammaado maxkamad, ay dhici karto in go’aankeeda kama dambeysta ahi noqdo in masjidka loo gacan geliyo dad aan muslim aheyn,  iyada oo la awoodi karay haddii si xilkasnimo leh loo fikiri lahaa in saddexdaasi xubnood shaqada laga rafci karay, mas’uuliyadda masjidka-na loo dhiibi karay kuwii ka hoos shaqeynayay, balse saddexdii xubnood lala kala saftay taas oo aakhirkii keentay in khilaafka masjidka uu meel kasta gaaro.

 

Maxay tahay fikirka ay khilaafka ka qabaan Soomaalida ku dhaqan Nederland.?

Shire Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa odayaashii iskood isugu xilsaaray dhexdhexaadinta xubnaha is khilaafsan, ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in khilaafkii masjidku maxkamad gaaro, waxaanna isaga oo arrintaasi ka hadlaya uu yiri:

“Aad iyo aad ayaa ugu xuumahay maanta iyaga oo khamiisyo wata, kana tegay masjidka Quba in ay gaalo iyo kuwii uu ILLAAHEEY qur’aankiisa ku sheegay ee uu yiri ha u hoos fadhiisanina masiirkiina in ay hoos fadhiistaan.”

Shire, waxaa uu intaasi ku daray in ay ula muuqato  nasiib darro in dadkii diinta lagu tuhmayay u tagaan, una qoor-dhiibtaan kufaar aan ALLE aqoon, kuna yiraahdaan, na kala saara, iyaga oo horay na ugu gacan seyray dhexdhexaadintii ay wadeen walaalihii Soomaaliyeed.

“Maxkamadda marka la tago ee qaadigu soo galo waxaa sharci ah in loo istaago, weyneeyn la weyneynayo iyo sharaf loo yeelayo kaafirkaas darteed. Sheekh Suldaan wuxuu na dhihi jiray in qof bini’aadam ah loo istaago ma banaana, waxaa la yaab leh in dadkaasi ay sharci u doonteen” Ayuu yiri Shire Maxamed Siyaad.

 

Soomaalida ku dhaqan Nederland ayaa ku kala qeybsan arrinta khilaafka masjidka, waxaanna ay kala qabaan 2 aragti.

 

Aqlabiyadda ugu badan ayaa qabta.

Sheekh Suldaan, waa shaqsi waxaa ka weyn maslaxada masjidka ay ku qabaan Soomaalida & guud ahaan ummadaha muslimiinta. Sheekhu maadaama uu qeyb weyn ku lahaa aasaaskii masjidka waxaa la gudboon in wixii uu dhisay aanu burburin,  uuna sabro; Haddii wiilashiisii ay garan waayeen maamuuskii & xurmadii uu ku lahaa waxaa la gudboon in aanu ku dayan oo ALLE dartii u sabro. Masjidku wuxuu kaalin weyn u hayaa mushtamaca Soomaalida, waxaa ku intifaaca ubad Soomaaliyeed oo diinta lagu baro, waxaa lagu dhaqaa, laguna asturaa meytida, waxaa ku cibaadeysta ummadda. Sheekh Suldaan ha eego maslaxada guud, haddii laga qaldanaa ALLE waa caadil, ciddii ka qaldaneyd nabsigu waa uu ka soo bixi ama ha dhowaato ama ha-dheeraato’e.

 

Aqlabiyadda 2aad waxay leedahay:

 

Ragga masjidka ku haray [Guuleed Wayrax, Abuu-Khadiija + Xassan Barre] waxeey kala garan la’ yihiin oo isaga qaldan wax ay ummaddi leedahay & wax ay iyagu leeyihiin. Waxay doonayaan in hantidii & mas’uuliyadii ay ummaddu u dhiibatay in ay u maamulaan sida shirkad ay iyagu leeyihiin. Waxaa la yaab ah in aysan waxba kaga talo-gelin mushtamicii Soomaaliyeed ee hantida masjidka lagu dhisay laga soo uruuriyay. Siddeey ku dhici kartaa in 10-10-kii shillin ee masjidka lagu sadaqeystay lagu bixiyo  sidii Sheekh Suldaan lagaga taqalusi lahaa.? Tan ugu weyn ee aan la dhakafaarsanahay waxay tahay; Maxaa raggani u diiday in ay ummadda la hadlaan, oo ay ogolaadaan in ay mushtamaca soo hor-fadhiistaan, wixii su’aalo ah ee ay bulshadu qabto-na ay si waadix ah kaga jawaabaan. Waan dhuumanayaa bulshadiina mas’uuliyad ayaan u hayaa ma aha wax meel wada geli karo. Maahmaah Soomaaliyeed oo khadiimi ah  baa waxay leedahay. [NinHulaabXumiInuuWax-Qarsanaayo-Ayaa-LaMooda].

 

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan

[email protected]

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *