Dood ku saabsan mustaqbalka caruurta Soomaalida & kaalinta waalidiinta oo lagu qabtay Holland [SAWIRRO]

Kulan ay soo qabanqaabiyeen ururka Somali4all laguna qabtay Magaalada Baarn ee dalka Holland, ayaa lagaga hadlay qoddobo dhowr ah oo quseeya Soomaalida.
Kulanka oo ahaa aqoon-isweydaarsi, waxaa ka soo qeybgalay Jaaliyadaha Baarn, Amersfoort & Zwolle, waxaanna qoddobada diirada lagu saaray ka mid ahaa; waxbarashada caruurta Soomaalida heerarkeeda kala duwan, ku koritaanka caruurta 2da dhaqan iyo kaalinta waalidka & bii’idu ay ka qaadan karaan horumarka & dib u dhaca caruurta.
Waxaa sidoo kale, lagu gorfeeyey kulankaasi, waxa u sabab ah in caruurta Soomaalidu ay waxbarashada ka saaqidaan & sidoo kale sababaha ay Soomaalidu kaga maagaan in ay siyaasadda dalkan ka qeybgalaan.

Su’aalahan iyo kuwa kale oo fara badan ayaa la dhex dhigay dadkii kulankaasi ka soo qeybgalay, oo u badnaa dhalinyaro, waxaanna sidoo kale doodaasi kaalin muhiim ah ka qaatay waalidiin isugu jiray aabeyaal & hooyooyin dhinacooda ka hadlay sida xal loogu heli karo caqabada haysta mushtamaca Soomaalida.
Cabbaas Cali Nuur, oo ahaa xiriiriyaha barnaamijka ayaa su’aalaha u qeybinayay ka qeybgalayaasha.

Dhalinyaradii kulanka ka qeybgalay intooda badan waxay isku raaceen in bii’adu ay saameyn ba’an ku yeelaneyso noloshooda, sidoo kalena waxay qireen in go’aamada masiiriga ah, sida jidka waxbarasho ee ay dooranayaan intooda badan ay waalidka kala tashadaan, mararka qaarna ay dhici karto in isku dhac ka yimaado rabitaankooda la xiriira taqusaska ay dooranayaan iyo sida waalidku doonayo.

Shamso Cabdullaahi, oo ka mid aheyd dadkii kulankaasi ka hadlay waxay sheegtay in guusha & guul-darradu caruurta xilliyada ay waxbarashada ku jiraan ay tahay wax qaadirku qoray, ayna jiraan caruur waalidkoodu ku dedaaleen, haddana gaari waayey halkii waalidku la rabay & kuwo waalidkoodu ay gabeen kaalintii barbaarinta caruurta, haddana caruurtii ay noqdeen kuwa waxbarashada ku aflaxa.

Cabbaas Cali Nuur, oo doodda qeyb ka ahaa ayaa dhinaciisa wuxuu sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in qofku isu kalsoonaado xittaa haddii la isku dayo in ay qalbi jebiyaan dad ujeeddooyin gurracan leh.

“Dhowr habeen ayaa anigoo ooynaya gurigeyga imid, sababtu wax kale ma ahayne nin aan wada shaqeyn jirnay oo markii dambe xanuun dhanka maskaxda ah uu ku dhacay ayaa igu yiri “meeshan kama shaqeyn kartid” waxaan ku guuleystay in ninkaas aan hadalkiisa beeniyo, oo aan tuso inaan ka shaqeyn karo, weliba aan madax ka noqon karo, guushaasi kuma iman inaan iska jiifsaday, habeenno badan ayaan waxbarashada ku gaari jiray ilaa 2-da habeenimo, qofku marka ay ka go’an tahay inuu gaaro yoolka uu tiigsanayo ma jirto cid hor istaagi karta, dalkan waxaa suurtagal ah inaad la kulanto dad ku qalbi jebinaya haddiise aad tahay qof ay ka go’an tahay inuu isbeddel sameeyo runtii halkan fursado badan ayaa jira, weliba xilligeenii annaga aan dalkan soo galnay ma jirin fursadahaasi” Ayuu yiri Cabbaas Cali Nuur, isaga oo biya-dhaca doodiisa ku sheegay sida ay muhiim u tahay in qof kasta, gaar ahaan dhalinyarada aysan aaminaan in wax kasta oo ay ku hamiyaan in ay gaari karaan, waxa keliya ee ka xigana in ay tahay dedaal bes.

Saxafi Abuna, ayaa ka mid ahaa aqoonyahanadii kulankaasi ka hadlay, wuxuu hoosta ka xariiqay in dalkan Holland ay ka jirto cunsurinimo, haddana ay ku xiran tahay sida qof kasta ee la cunsuriyeeyo uu kaga fal-celiyo.

“Anigu waxaan ka tirsanahay shaqaalaha gemeentiga Amsterdam waxaan ahay “ambtenaar” meeshii aan ka shaqeynayay nin madax ka ahaa ayaa igu yiri shaqadan kama bixi kartid, waxaan tusay inaan ahay qof karti & aqoon kulansaday, shaqadiisana ku filan, haddii se aan hadalkiisa qaadqaadi lahaa isagaa guuleysan lahaa, waxaan tusay inaan ahay qof shaqadiisa ka soo bixi kara” Ayuu yiri Abunaa.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda Axmed Hayaan oo ka mid ahaa waalidiintii & aqoonyahanadii aragtigooda ka dhiibtay muwduucyadii laga hadlay, wuxuu ka dalbaday dhalinyarada in xittaa haddii waxbarashada ay ka saaqidaan in aysan cayr dalban, oo ay shaqeystaan.

“Waxaa na la yiraa, Soomaalidu waxay caan ku tahay cayrta, dhalinyarada waxaan ku boorinayaan, haddaad caafimaad qabtaan cayr ha qaadanina oo shaqeysta” Ayuu yiri Axmed Hayaan.

Read Previous

Muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhexeeya maamulka masjidka Quba Amsterdam.?

Read Next

Dalka Nederlands dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah oo maxkamad looga yeeray

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *