Taariikhda markii ugu horreeysay 9 musharax oo madow ah, ayaa ka mid ah tartamayaasha Baarlamaanka Ducht-ka

Dalka Nederlands, oo ka mid ah waddamada Yurub ee ay ku xooggan yihiin afkaarta xisbiyada xag-jirka ah,  waxaa markii ugu horeeysay  dadka u taramaya baarlamaanka ka mid ah ugu yaraan 9 musharax oo asalkooda Afrikaan yahay, taas oo aan taariikhda weli horay u dhicin.

Musharixiinta madowga ah  intooda badan xisbiyada soo sharaxday waxaa ka mid ah; Pvda, Groenlinks iyo Denk, waxaanna la leeyahay kororka musharixiinta ajnabiga ah waxaa u sabab ah 2 arrimood oo isbiirsaday:-  Xisbiyada mayalka adag oo aqlabiyad ballaaran ku leh baarlamaanka, culeys badanna saara dadka soo galootiga ah, islaamka & guud ahaan ajnabiga, taas oo saameyn xooggan ku yaalaneysa hab nololeedka dadkaasi & qoddobka 2-aad oo ah; In xisbiyada qaar ay garowsadeen inaan la iska indha-tiri karin awoodaha ay la soo baxayaan jiilasha halka ku dhashay ama ku kordhay, ayna tahay in ay soo biiraan fagaayaasha lagu jeex-jeexo siyaasada.

Nuur Iikar, oo ah wiil dhalinyaro Soomaali ah ayaa ka mid ah musharixiinta u tartamaya barlamaanka, waxaanna toddobaadyadii ugu dambeeyay soconayay baaqyo ay jeedinayeen qaar ka mid ah hormuudka jaaliyadaha Soomaalida, kuwaas oo ka dalbanayey dhammaan dadka Soomaaliyeed ee haysta dhalashada dalkan in ay  doorashada u soo baxaa, codadkooda na siiyaan Nuur Iikar.

Dhaliilaha Soomaalida loo jeediyo waxaa ka mid ah in aysan doorashada u soo bixin, iyada oo dadka Soomaalida ah ee dalkan ku dhaqan tiradoodu lagu qiyaaso 25 ilaa 30 kun.

Read Previous

Cusmaan Abuukar “Guddoomiye Hayaan & team-kiisa waxay ku dedaaleen in xilligan adag  caruurta Soomaalida laga caawiyo waxbarashada”

Read Next

Guurre “Waxaan la kulanay wefdigii Holland u yimid in ay ka qeybgalaan dacwada ku saabsan muranka ay Kenya gelisay baddeena”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *