Nuur Iikar “Waxaan u baahanahay dad goob joog inoogu noqdo meelaha wax lagu goynayo, haddii aan wakiilo qabin dadka kale  kuuma hadlayaan” [WARAYSI]

Nuur Iikar oo ah wiil dhalinyaro  Soomaali ah, una tartamaya kursi  xildhibaanimo Baarlamaanka waddanka Nederlands,  isaga oo ka socda xisbiga DENK, ayaa ka codsaday Soomaalida in ay doorashada u soo baxaan, codkoodana ay siiyaan.

Nuur ayaa waraysi uu siiyey shabakadda SOMNIEUWS, ee ka hadasha arrimaha Soomaalida ku dhaqan dalka Nederlands waxaa lagu waydiiyay su’aalo dhowr ah, waxaanna waraysigu u dhacay siddatan:-

 

Su’aal: Taariikh nololeedkaaga oo koobban.

 

Jawaab: Muqdisho ayaa ku dhashay 25 Dec 1985.  7 jir ayaa ku imid  Nederlands. Magaalada Denhaag ayaa ku koray oo aan kaga baxay dugsiga hoose/dhexe & sare, waan guursaday waxaan ahay aabaha 3 caruur ah.  Shirkado kala duwan ayaa ka soo shaqeeyey, qaarkood ganacsi ayeey ahaayeen, 10-kii sanno ee ugu dambeeyay hal shirkad ayaa u shaqaynayay, waxaan la soo shaqeeyey urur dalkan ku casuuma dadka dunidda magaca ku leh, dadkii aan halkan ku casuunay waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton.

 

Su’aal. Goorma ayaad siyaasada ku soo biirtay maxaase kugu dhaliyey inaad siyaasada ku soo biirto.?

 

Jawaab: Intii aan shirkadaha u shaqeynayey dadka shaqooyinka sarsare ku jira kulligood waxay ahaayeen cadaan,  haddaad [high level] gaarto oo aad garbahaaga ka wayso dad adiga oo kale ah, waxaad is weydiisanayaa maxay tahay sababta.? Markaa kaddib waxaan hamiyay inaan gaaro meesha ugu sareysa, sidaas oo ay tahay cunsuriyadu meel kasta way gashay  haddaad shaqo raadsaneyso oo magacaagu uusan ka billaabaneyn Jan & Jap waa  dhib in lagu casuumo.

 

Su’aal: Waa siddee xiriirka aad la leedahay Soomaalida.?

 

Jawaab: Dadka badi aaabaheey ayeey yaqaanaan, dhalinyarada markaan ahaa waxaan jeclaa inaan dadkeyga caawiyo, waxaan bixin jiray casharo  dhanka kombiyuutarka ah, markii aan siyaasada ku soo biiray waxaan isku dayay inaan dadkayga caawiyo, waxa aad qaban karto aad ayeey u kooban tahay marka hore, haddii se aad gudaha u gasho meelaha lagu jeexjeexo masiirka ummadda waxaad heli karaysaa fursad aad ku gaarsiiso codka dadkaaga, marka lagu xadgudbo dadkaaga na aad ka difaacdo.  Marka dadka degan Denhaag waa i yaqaanaan, dadkaygana waxaa naga dhexeeya xiriir wanaagsan.

 

 

Su’aal: Muxuu yahay qorshahaaga ku aadan Soomaalida.? Haddii se aad guuleysato maxay Soomaalidu kaa filan karaan.?

 

Jawaab: Haddii aan guulaysto waxyaabaha aan xoogga saarayo waxaa ka mid ah in dhalinyarada shaqo loo abuuro kuwa u baahan [stage] in ay helaan, dadka marka ay guri u baahan yihiin waxay ku qaadataa in badan 10 sanno ay sugaan waxaan ku dedaalaynaa  in waqti intaas ka yar  guri lagu helo, arrinta kale ee u baahan in lagu baraarugo waxay tahay caruurta inoo dhigata dugsiyada lagu barto diinta & tarabiyada islaamka, waxaa socda olole la doonayo in lagu xiro goobaha diinta lagu barto, haddii annaga muslimiinta oo dhan aynaan soo istaagin oo aan cod qura yeelan waxaa dhacaysa in albaabada loo laabo, diinta ayaa tartiib tartiib lagaaga qaadayaa, Yuhuuda dalkan ku dhaqan waxay qabaan meel lagu duugo, Marookaanka & Turkida dalkooda ayaa loo qaadaa,  Soomaalida qabuuraha islaamka ayeey meydka ku duugtaan 10 sanno kaddib lafaha waa la soo bixinayaa haddaan lacag la bixin, waxaan u baahanahay inaan u midowno helitaanka xuquuqdeena.

 

Su’aal: Waxaan hubaa inaad la socota dhinacyada ay Soomaalidu dhibaatada ka haysato, maxaa concrete ah oo aad aragtay oo aad is leedahay wax waa laga qaban kartaa.?

 

Jawaab: Soomaalidu waxay u baahan yihiin in la dhageysto mana aysan helin xuquuqdaas, ilaa hadda qof Soomaali isu soo taagay, una hiiliyay ma jirto. R/wasaaraha Mark Rutto 2007 Soomaalida wuu bartilmaameedsaday, wuxuu ka dhigay in ay yihiin dambiilayaal, ma jirin qof yiri war dadkaan ka leexo ma aha dad isdifaaci karee.?  ha  codeeyaan ama yeeysan codeyn  waxay dhaheen 70 percent Soomaalidu  cayr ayeey ku jiraan,  waxaan u baahanahay sawirkaas inaan bedelno, dhalinyarada in la dhiirageliyo, tusaale Mareykanka, Canada & dalal kale Soomaalidu ku badan tahay waxay ku jiraan dowladda ilaa heer Guddoomiye gobol, dalkan waxaa jira dhalinyaro dedaalay oo si fiican wax u bartay waa inaan kuwaas dhiiragelinaa, ayna hamiyaan shaqooyinka dowladda in ay wax ka qabtaan laga soo billaabo kuwa Gemeentiga.

 

 

Su’aal: Waxaa jirta warbixin sannad waliba ay soo saaraan hay’ado madax-bannaan, warbixinadaas oo lagu qiimeeyo dadka  ajnabiga ah ee dalkan yimid fursadihii ay dalkan ka heleen haddii ey tahay dhinaca waxbarashada, shaqada iyo is-dhexgalka sidii ay kaga faa’ideysteen, marka warbixinadu ay soo baxaan Soomaalida waxeey kaga jirtaa kaalinta ugu hooseysa maxaa u sabab ah ayeey kula tahay.?

 

Jawaab: Waa fududahay 3 sanno waxaan ku jiray guddiga dowladda hoose [Minishiibiyo]  ee Denhaag, waxaan dareemay dadka ku jira waxay haystaan wakiilo, Turkida, Marookaanka, Surinaamta dad baa ugu jira meelkastaba, dadkaasi markasta oo go’aamo la gaarayo waxay ka tarjumayaan baahida dadkooda, annagu waxaan u baahanahay dad goob joog inoogu noqdo meelaha wax lagu goynayo, haddii aan wakiilo qabin dadka kale ma kuu hadlayaan, marka la codeeynaayo ayaa lagu imaanayaa oo cod lagu waydiisanayaa.

 

Su’aal: Qofka Soomaaliga ah ee ka fikiraya xisbigii uu u codeyn lahaa, siddeed ugu qancin kartaa inuu u codeeyo Xisbigaaga DENK.?

 

Jawaab: Denk waa xisbi u taagan inuu difaaco dadka laga tira badan yahay, wuxuu Baarlamaanka ku leeyahay  3 qof,  4tii sanno ee u dambeysay waa xisbiga keliya ee muslimiinta difaacayay, tusaale waxaa jira olole ay sutida u hayaan Xisbiyada Groen Links &  D66 oo ay leeyihiin muslimiinta sida ay xoolaha u qalaan waxay xadgudub ku tahay xuquuqda xoolaha, waa in ay marka hore suuxiyaan, annaga na waxaa leenahay waxaan dhahaa Bismilaahi waana qaleynaa, haddii marka  Soomaalidu aysan u soo bixin doorashada oo aysan codkooda siin DENK waxaa codad badan helaya kuwaas iyo kuwa la mid ah, wax walbana sida ay rabaan ayeey noqonayaan. Teeda kale, waa xisbiga keliya ee har & habeen u taagan difaaca Islaamka, muddo dhow waxaan arkeynaa iyada oo la leeyahay masaajidkaan waa la xirayaa waxaa ku tukada xag jiriin, masaajidkaas waa furnaan karaa, waxaa la doonayaa in la naaxiyo islaam nacaybka, annaguna waxaan leenahay waa in la xaqdhowraa xorriyada diimaha.

 

 Su’aal: Sideed uga hortageysaa Islaam nacaybka [islamofobie] loo qabo dadka islaamka ah ee degan Nederlands.?

 

Jawaab: Wax badan ayaa jira oo aan wax ka qabanayno, waxaana ka mid ah  duugitaanka meydka oo aan ku dedaali doono in Soomaalidu ay helaan qabuuro u gaar ah,  tan kale,  lacagaha caafimaadka waxaan ku dedaalaynaa inaan hoos u dhigo, sidoo kale  dhalinyarada in shaqo abuur loo sameeyo, Soomaalida inaan isla fadhiisano oo aan soo saarno jiilal wax bartay oo si mideysan kor ugu qaada sumcada dadkooda. Anigu kaalinteydu qof walba ayaa u ahay xildhibaan. Waxaa jirta dhibaato kale oo haysata Soomaalida ka soo laabaneysa UK, waxba looma qabto, waxaa la yiraa socda isdabara, haddii dowladda dhexe aad wakiil ku leedahay taas kuguma dhici karto  

 

 

 

Read Previous

Wiil Soomaali ah oo u tartamaya baarlamaanka Nederlands

Read Next

Cusmaan Abuukar “Guddoomiye Hayaan & team-kiisa waxay ku dedaaleen in xilligan adag  caruurta Soomaalida laga caawiyo waxbarashada”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *