HAYAAN: Fadlan gaarsiiya waalidiinta & ardayda ba in ay macquul tahay in ardayda qaarkood [Dugsiga hoose & sare] ay iskuulka casharada ku qaadan karaan, haddii….”

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda aqoonyahan Axmed Hayaan, ayaa ku wargaliyay waalidiinta Soomaalida ah ee ku dhaqan Nederlands, gaar ahaan Zwolle & nawaaxigeeda in guddigoodu ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan caruurta Soomaalida ah kuwooda ay ku adag tahay la socoshada casharada lagu qaato [Online] xilliga lagu jiro Lock down-ka.

Guddoomiye Hayaan, oo la soo xiriiray shabakadda Somnieuws, wuxuu tilmaamay in guddigoodu ay la soo xiriireen waalidiin Soomaaliyeed oo ka walaacsan baahida ay u qabaan caruurtooda in laga caawiyo casharada ay ku qaataan Online-ka.

“Maadaama Lock down-kii la dheereeyey, iskuuladuna ay xirnaanayaan, fadlan gaarsiiya waalidiinta & ardayda ba in ay macquul tahay in ardayda qaarkood [Dugsiga hoose & sare] ay iskuulka casharada ku qaadan karaan, haddii ay soo buuxiyaan mid ka mid ah 2 shuruudo oo kala ah; Waalidiinta aan caruurta iskuulka ku caawin karin sababo la xiriira luqada oo aysan aqoon darteed iyo waalidiinta ka shaqeeya goobaha caafimaadka ee lagula tacaalayo cudurka Covid19 waxay xaq u leeyihiin in caruurtooda iskuulka lagu caawiyo” Ayuu yiri Axmed Hayaan, wuxuuna intaasi ku daray in ay jiraan dhinacyo isku xira iskuulka & waalidiinta, isla markaana dhabaha u xaara in caruurta ay iskuulka ay casharo ku qaataan.

“Annagu waxaan isku xirnaa  waalidiintii & qolyihii u dhexeeyay waalidiinta & iskuulka, kuwaas oo ah “Sociale Wijkteams” haddii waalidku uu yiraa waa nagu adag tahay inaan wacno, annaga ayaa u wacna, albaabadii ayaa u garaacnaa, waalidkii aan kari karina annagaa u wacnaa, kii kari karana isaga ayaa leenahay wacda, ilaa hadda 2 qoys ayaa u wacnay, saddex qoysna iyaga ayaa wacday waana la caawiyay” Ayuu yiri Axmed Hayaan, wuxuuna u mahadceliyay Faadumo Maxamuud [Faadumo Budle] oo ka tirsan Guddiga jaaliyada isaga oo ku ammaanay sida ay u garab taagan tahay gabdhaha Soomaaliyeed xilligan adag.

 

Read Previous

CALI YAXYE: Maxay tahay ujeedada dhabta ah ee ay leeyihiin quwadahan naga qarsoon ee iibsanaya madaxdeena?”

Read Next

ALI YAHYE: Who finances our political leaders (presidential candidates) and with which purpose?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *