SHAKUUR XALANE “Haddii hay’ad ama urur ay madax ka yihiin hal qabiil oo soocan waxaan qiimeynaa waxa ay bulshada u qabanayaan….” [WARAYSI]

Cabdishakuur Xalane, wuxuu safka hore kaga jiraa shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ka shaqeeya arrimaha bulshada, isaga oo ka mid ah shaqaalaha  hay’adda qaabilsan daryeelka & xanaaneynta caruurta qaxootinimada ku yimaada Dalkan Nederlands,  iyaga aan qaan-gaar ahayn  ama kuwa waalidka laga qaato, hay’adaas oo magaceeda loo soo gaabiyo NIDOS.

Cabdishakuur oo ka mid ah dadka raasumaalka u ah Soomaalida, waraysi uu siiyay SOMNIEUWS.COM waxa uu u dhacay siddatan:-

 

SU’AAL: Ma  jiraan tiro koob sax ah oo laga hayo dadka Soomaalid ah ee uu ku dhacay.?

JAWAAB: Guddi gaar ah ayaa loo saaray oo ku mashquulsan arrimaha la xiriira Covid19, waa ka tirsanahay, haddana ruqsad uma haysto inaan afkooda ku hadlo, waxaan ku wargelinayaa inaad wax iga waydiisay wixii ay yiraahdaana dib ayaa kuugu soo celinayaa.

SU’AAL: Maadaama aad la shaqeyso hay’adda NIDOS wax ma inooga sheegi kartaa sababaha waalidiinta lagaga qaato caruurta.?

JAWAAB: Horta Nidos waalidiin caruur kama qaataan, waa hay’ad qaabilsan ilmaha dalkan yimaada iyaga oo da’doodu ka yar tahay 18 sannom dowladda ayaana howshaasi u xilsaartay,  waxay caruurta u sameeyaan dad mas’uul ka noqdo, kana caawiya adeegyada ay u baahan yihiin, iyada oo Nidos na ay kor-joogtayneyso, waxaa soo wehliya qoysaska marka dalkan ay qaxootinimo ku yimaadaan haddii ay gasho cabsi la xiriirta korriinka caruurta, Nidos way kaa caawineysaa, waxayna ku siineysaa tallooyin, haddii aad diido adiga waalidka ah, caruurtiina laga dareemo in ay dayacan yihiin, maxkamad ayaa lagula tagayaa.

SU’AAL: Talo sidee ah ayaad siin lahayd waalidiinta ka welwelsan in caruurta laga qaato.?

JAWAAB: Anigu waxaan ahay shaqsi ummadda ku dhex jira wixii cilmi & talo ah ee aan fahamsanahay dadkayga waan siiyaa, marka ay dadka isoo raadinayaan waxaan isku dayaa inaan ka toosiyo wixii ka qaldan, una sharaxo nidaamka dalkan lagaga dhaqmo, waxaa dhici karta in mararka qaar hay’adaha la leeyahay caruurta ayeey qaataan in la siiyo warbixin qaldan, mar walba waxaa wanaagsan in  miiska la soo wada fadhiisto, lagana wadahadalo wixii caqabad ah iyo sidii xal loogu heli lahaa,   wax waliba waxay maraan nidaam [process]  ma jirto cid inta kuu timaada caruurta kaa qaadanaysa, ilaa adiga waxa lagugu haystaa ay noqdaan waxa ay iyagu u arkaan in aysan caruurta u wanaagsanayn, teeda kale qolyaha caruurta qaata marmar iyaga laftigoodu xadgudub waa ay sameeyaan, mar haddii ay ku soo farageliyaanna  waa adag tahay in ay kaa lug baxaan,  waxaan waalidiinta kula talin lahaa in ay isu kalsoonaadaan si fiicanna ula socdaan shuruucda dalkan.

SU’AAL: Waxaa jira warbixinno ay soo saaraan hay’ado madax-bannaan, oo la xiriirta sida dadyowga ajnabiga ah ee dalkan qaxootinimada ku yimid ay uga faa’ideysteen fursadihii waxbarasho, shaqo & isdhexgal ee ay dalkan ka heleen, Soomaalidu mar walba waxay ku jirtaa kaalimaha ugu hooseeya maxaa u sabab ah ayeey kula tahay.?

JAWAAB: Sababuhu waa  badan yihiin. Dalkan waa waddan noloshiisu marba marka ka dambaysa ay sii horumareyso, dadka waynaanta ku yimaada mar walba waa ku adkaataa barashada luqada dalkan oo ah mid adag, adigoo wax soo bartay ayeey waqti dheer kugu qaadanaysaa inaad luqadii barato, luqadu na waa furaha albaab kasta, nidaam kasta oo aad mari lahayd waxaa fure u ah luqada. Teeda kale, nidaamka waxbarasho ee dalkan 70% iskuulka ayaa bixiya, halka 30-ka soo haray   waalidka ayaa laga rabaa in ay caruurta ku kabaan, haddii waalidku uusan luqada aqoon muxuu kabayaa.?  wiilkii dalkan u dhashay ee Hollandseyska ah aabihiis ama hooyadii ayaa   guriga ku caawinayo, marka isku mustawe ma noqon karaan caruurtaada & isaga,   caruurta dalkan ku dhasha ama ku soo koray in ay natiijooyinka iskuulka kaalimaha hoose ka galaan taas ayaa u sabab ah.

SU’AAL: Suurtagal ma kula tahay in la helo urur ama dallad qura oo ay ku middeysan yihiin dhammaan ururada Soomaalida, maadaama sida aad la socoto gobolkan Noord Holland oo keliya ay ka jiraan 30-meeyo ururo Soomaali ah, halka Amsterdam ay ka howlgalaan in ka badan 10 ururo Soomaalidu leedahay.?

JAWAAB: Hami waa igu jiraa ah in Soomalida  ay midoobi karaan, waqti badan ayaa qasaaray, islaam ayaan nahay marnaba naxariista EEBBE kama quusan karno, haddana la iskama indha tiro karo in ay tahay wax adag in la helo Soomaali middeysan, laakiin lama dhihi karo suurtaga ma ahan waxay u baahan tahay kalsooni iyo waqti.

SU’AAL: Inkastoo ay jiraan ururo ama hay’ado fara badan oo dalkan ka dhisan, haddana xaqiiqdu waxay tahay in dalladda FSAN oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah, ayna tahay hay’adda keliya ee dowladdan dalkan ay kala tashato arrimaha Soomaalida dalkan & xaaladaha dalkii ka jira & Hay’adda Hirda oo ah tan qabata ama agaasinta shirarka & kulamada wacyigelinta ah ee ugu badan, ma jiraan waxyaabo la dhigi karo 2daasi hay’adood oo Magaalo qura wada dagan waa ay ka middeysan yihiin oo taabanaya masiirka dadka Soomaalida ah.?

JAWAAB: Su’aasha aad i waydiisay jawaabteeda ilama sahlana, waa su’aal ay ka jawaabi karaan dadka ay quseyso keliya.  aniga      Hirda ayaan ka tirsanahay waa sax, haddaad i waydiiso wixii Hirda ku saabsan  qofkii munaasibka ahaa ayaan kugu xirayaa.

SU’AAL: Waxaaa jirta dood ay dadka qaar qabaan oo leh; Ururada Soomaalida magacii Soomaalida na waa ay wataan, haddana waxay u dhisan yihiin qaab qabiil & goboleysi, maadaama aad tahay shaqsi waaya-arag ah muddo dheerna ku soo jiray arrimaha ururada Soomaalida ma kuu muuqataa doodaasi mise maxaad leedahay waa waxba kama jiraan.?

JAWAAB: Aniga waxaan u arkaa doodaasi dood caqliga geli karta in ay tahay ama  wax qofka dareen gelin kara. Midna xasuuso ILLAAH wuxuu naga dhigay islaam, haddana waxaynu nahay qabaa’ilo, qofku asal loo raaco iyo ehel inuu leeyahay waa sax, marka anigu kuma jiro dadka aaminsan in qofka kartidiisa & waxqabadkiisu uu fool-xumeyn karo qabiilka uu yahay  haddii hay’ad ama urur ay madax ka yihiin hal qabiil oo soocan waxaan qiimeynaa waxa ay bulshada u qabanayaan, haddii waxqabadkoodu i cajab geliyo xittaa haddii ay hal qoys yihiin shaqadeyda ma ahan, haddii ba uu Soomaali wax u qabanayo ma ahan inaan cilad ugu sameynio qabiilka.

SU’AAL: Maxey Soomaalidu ka baran kartaa ayeey kula tahay jaaliyadaha kale ee dalkan kaga soo horeeyey sida Turkida, Marookaanta ama Surinaamta.?

JAWAAB:  Jaaliyada ugu fiican ee lagu daydo waa tan Turkida, iyagaa tusaale “rolmodel” inoo noqon kara, waxaan qabaa Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan in ay raadiyaan sidii ay cilaaqaad ula yeelan lahaayeen Turkida, waayo waxyaabaha aan kaga dayan karno waxay tahay sida ay ugu dhagan yihiin dhaqankooda & diintooda, caruur & ciroole qof kasta oo Turki ah wuxuu luqadiisa ugu hadlayaa sida inuu dalkiisii jooga, annaga caruurtii iska daaye dadkeenii waaweynaa ayaa halis ugu jirna inaan luqadii ilowno. Qofka marka uu lumiyo aqoonsigiisa [identity] waa ku daayay qofkaas, waa inaan ubadka kula dedaalnaa inay ku faanaan dhaqankeena.

SU’AAL: Haddii lagu waydiin lahaa inaad talo siiso ururada ama hay’adaha Soomaalida maxay taladaasi noqon lahayd.?

JAWAAB: Anigu waxaan ahay mar walba qof u fikira sida wanaagsan [posative] Haddii laga hadlayo aayaha Soomaalida dalkan NL iyo dalalka la mid ah waa halka ugu wanaagsan ee laga billaabi karo, dhowr sababood dartood ma jirto baah, cabsi ama wax la mid ah, ma jiro qof cabsi ka qaba nolol maalmeedkiisa, waa marka la dhihi karo way sahlan tahay marka ay bulsho isku timaado in ay gorfeeyaan wixii talo & masaaliix ah oo ka dhexeysa, soomaalidu waxaad mooda ain ay siii kala fogaaneyso marba marka ka sii dambeeya nasiib darrada ina haysata ayeeyna qayb ka tahay.

Read Previous

CABDINUUR “Waan iska casilay xilkii Guddoomiye ku-xigeenka guddiga jaaliyada”

Read Next

CALI YAXYE: Maxay tahay ujeedada dhabta ah ee ay leeyihiin quwadahan naga qarsoon ee iibsanaya madaxdeena?”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *