CALI YAXYE: “Fariimoos, Xuseen Khadiib & Cali Waare intuba waxay iga dalbadeen inaan ku soo biiro, waxaan u sheegay…..”

 

Cali Yaxye Sheekh Cali Cibaar, wuxuu safka hore kaga jiraa shaqsiyaadka magaca & maamuuska ku dhex leh  bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands, waana aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay ururo [local] ah iyo kuwa caalami ah.

Cali Yaxye, waa aasaasaha & isu-duwaha hay’adda Nabadda [Yahye Foundation]. Waraysi uu siiyey shabakadda Somnieuws, wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda Soomaalida, waxaana waraysigiisu  u dhacay siddatan:-

Su’aal: Halkee ayeey marayaan howlihii hay’adda Nabadda Yaxye Foundation.?

Cali Yaxye: Koox waxgarad ah, oo isu tegay ayaa  muddo sii horeysay  isku howlay in ay gogol xaar u noqdaan hirgelinta hay’ad u qalanto magacii walaalkeey C/qaadir Yaxye oo ahaa aasaasihii &  agaasimihii hay’adda cilmi baarista iyo wadatashiga ee magaceeda loo soo gaabiyo CRD. Waxaa laga dooday  hay’ad noocee ah ayeey noqoneysaa.? Maadaama C/qaadir uu ahaa shaqsi taariikhda Ummadda Soomaaliya baal dahab ah kaga qornaa. Waxaa la isla soo qaaday  aragtiyo kala duwan, dadka qaar waxay soo jeediyeen maadaama uu ahaa nin nabadda & xasiloonida u ololayn jiray in si magaciisu ugu dhex noolaado quluubta dadka Soomaaliyeed in hindisaha lagu daro wax raasumaal u noqon kara taariikhdaasi, wixii talo la rog-rogaba waxaa la iswaydiiyay; ma waxaan culayska saarnaa siyaasadda, ma dhaqaalaha, mise dhinaca wacyigelinta bulshadda, waxaa la isla gartay in  hay’addaasi ay xoogga saarto waxbarashada, waxaan ka walaacsanayn mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed ee aan tahli karin ama heli karin fursad waxbarasho, waxaan damaanad qaad u sameynay kun caruur ah inaan ka caawino waxbarashada, waxayna caruurtaasi ka kala imaanayaan Magaalooyinka Soomaalida, Magaalooyinka qaarkood 100, kuwa 50, waxaan u qaybinay hadba sidii ay inoola muuqatay.

 Ujeeddadu waxay ahayd, inaan ummadda ku baraarujino, oo aan hurdada ka kicino, oo aan dhahno waxbarashadu waa dariiqa ugu wanaagsan ee lag soo saari karo bulsho xor ka ah jahliga, waxaa la isku afgartay in sameeyo wax loogu magac-daray [beesha nabadda], waxaaa ka dhashay beel nabadeed, beeshaas waajibaadkeeda ugu culus waxay noqonaysaa dhiiragelinta waxbarashada.

Su’aal: Saameyn intee la’eg ayuu ku yeeshay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Nederlands cudurka Covid19.?

Cali Yaxye: Covid19 waa cudur saf-mar ah oo adduunka gilgilay, haddii aan Soomaalida dalkan ku dhaqan nahay waxaa markii hore nagu yaraa fahamka aan fahamsanahay, dowladdu waxay samaysay intii karaankeeda ah sidii loo xakamayn lahaa cudurka, ururka Hirda oo ka mid ah ururada Soomaalida wuxuu sameeyey wacyigelin; Teeda kale, haddii aad barbar dhigto Soomaalida mushtamacyada kale ee dalkan nala dagan waxaa muuqata in xaga geerida aan ka yar nahay.

Su’aal: Dad badan waxay qabaan in Soomaalidu aysan helin wacyigelintii loo baahnaa, taasi ma kuu muuqataa.?

Cali Yaxye: Marka loo eego qowmiyadaha kale ee dalkan ku dhaqan Soomaalida xaga abaabulka & wacyigelinta waxaan nahay mushtamaca ugu liita, way jiraan ururo Soomaali ah oo dedaalay, bulshadana farriimo caafimaadkooda   muhiim u ah gaarsiiyay, waxaan aaminsanahay in laftooda culeysyo badan dul saaran yihiin, waayo  wax walba oo yimaada si degdeg ah jawaab kagama bixin karaan, dhinaca kale, Dowladda dhexe ee Holland, ama Gemeetiyaasha waxaad moodaa in Soomaalidu haddii wax la qabanaayo dadka ugu dambeeya ee la soo xasuusto ay noqonayaan, sababtuna waxay tahay nambarkeena ayaa aad u yar. Tusaale ahaan Magaalada aaan daganahay ee Rotterdam waxay ka mid tahay magaalooyinka haddii ba aysan ahayn Magaalada 1-aad ee ay degan yihiin Soomaalida ugu badan, sidaas oo ay tahay tirada Soomaalida waxaa lagu qiyaasaa 2000 ilaa 2,500  ma ahan  nambar la sheegi karo, waxaan ku dhex milmeynaa boqolaalka kun ee kale ee ajnabiga ah, dadka qiimeynta sameynaya waxay fiirinayaan nambarka, marka dhaliisha ururada kale laguma dhaliilo karo dowladda laftigeedu kaalin ayeey ku leedahay.

Su’aal: Dalkan, ururo & hay’ado Soomaalidu leedahay ayaa ka jira, dallada FSAN ka sokow in ay tahay dallad ay ku middeysan yihiin ururada ugu badan, haddana waa dallada keliya ee dowladda dalkan ay kala soo xiriirto arrimaha Soomaalida quseeya, sidoo kale waxaa jira Hirda oo safka hore kaga jirta ururada “active” ka ah, dhinacyadaasi ma leeyihiin wada-shaqayn ay isaga kaashanayaan arrimaha xasaasiga ah.?

Cali Yaxye: Ururada dalkan ka jira mas’uuliyad wayn ayaa saaran, runtii inta ii muuqata way dadaalaan,  ummaddoodu iyaga ayeey fiirsanayaan, oo wacyigelin iyo xuquuq ku leeyihiin, dhaliisha ugu weyn ee aan u hayo waxay tahay wada-shaqaynta ayaan ku xunahay, aniga marka laga soo tago hay’adda Yaxye waxaan aasaasay xafiis shaqo oo magaciisa la yiraa maanta, wuxuu dadka ka caawinayaa shaqadda iyo waxbarashada, waxaan samaynay mashruuc wacyigelin dhanka shaqada ah,  waxaa jiray mashruuc  xaga caafimaadka ah oo ay na siisay Gemeentiga,  kuna saabsan caafimaadka gaar ahaan dadka qaba xanuunka maskaxda ama isku buuqa, dad Soomaali ah ayaa siineynay tababar 24 usbuuc soconaya, dadka aan siinay oo ahaa 41 Soomaali ah waxay ka kala yimaadeen  2 xaafadood oo kala duwan, wacyigelin guud ayaan siinay runtii howshaasi waxay noqotay mira-dhal, hasse ahaatee annaga Soomaalida waxaa innagu badan kuwa badan oo xanuunkaasi qaba haddana aan is ogeyn ama qarsanaya. Ururka Maanta isaga oo dhinaciisa isku dayaya in wixii khibrad ah ee uu leeyahay uu Soomaalida la wadaago wuxuu gacan wada-shaqayn ah ka dalbaday Cali Waare & Faadumo oo madax ka ah FSAN & Hirda, dhowr jeer na waan kala hadlay Cali Waare & Faadumo Faarax inaan mar is raadsano kana wadahadalno wixii suurtagal ah, arrintaas culeys weyn baa naga saaran, wax hal urur lagu eedi karo-na ma ahan.
Su’aal: Ma jiraa wada-shaqeyn ay leeyihiin ururada Soomaalida, tusaale ahaa: qofka Soomaaliga ah ee Magaaladan Rotterdam dagan ee in la caawiya doonaya, halkuu abaarayaa.?
Cali Yaxye: Ururada  waaweyn ee dalkan ka jira FSAN ayaa kaalinta 1-aad ku jirta,  ururada kale ee caalamiga ah  ama waddanka gudihiisa ka howlgala waxaa ka mid ah Hirda, dadka Soomaalida baahida 1-aad ee ay qabaan waxay tahay  ururada shaqeeya in ay magaalooyinka ay ka dhisan yihiin in ay Soomaalida u abuuraan jawi suurtagal ka dhigi karaa in ay wax qabsadaan, ama ka faa’ideystaan fursadaha laga heli karo Magaalooyinkaas, dadku isku xawaare ma noqon karaan waxaa jira dad Soomaali ah oo u baahan talo & hagid, haddii ay helaana wax qabsan kari lahaa, waxaa jira tuulooyin ama magaalooyin aysan jirin bulshada ku dhaqan cid caawisa oo ururo ama hay’ado aysan ka jiran, haddana waxaa u soo baxa qof dadkaasi ka mid ah oo laga soo hirto, waxaa ALLE mahadiis ah haddii aan Soomaali nahay waxaan nahay dad is caawiya. waxaa caawiya dad  ururo ahay ee bulshada

Su’aal: Maxaad adigu FSAN kaga mid noqon wayday, oo aad bannaanka uga joogtaa.?Cali Yaxye: Waqtigii Fariimoos uu guddoomiyaha ka ahaa FSAN dhowr jeer ayuu ila soo xiriiray oo igu yiri na soo farageli, sidaas si la mid ah  Xuseen Khadiib oo isna Guddoomiye noqday wuxuu iga dalbaday inaan ku soo biiro,  isla sidii waxaa iigu soo celiyey Cali Waare, aniga saddexdooda waxaa ka balanqaaday igana dhab ah in wixii aan ku kordhin karo aan ku kordhiyo oo aan marna ba khibradeyda hagran  ha ahaato talo ama tusaale intaba,   anigu waxaan leeyahay hami ah in intii aan tahli karo aan dadkayga wax u qabto,   dalkan aan joogo maalin walba 30 ilaa 50 qofood ayaa isoo waca, mid banaankaa la soo dhigay, hooyo tarjubaan u baahan, qof  social-ka ay cayrta ka joojiyeen, qof isbitaal joogaa oo i leh dhaqaatiirtii ayaan rabaa inaad igaga tarjuntid, marka waxaan is iri mar walba oo aad wax sameysid, bulshada shaqo fiican ayaa u haysataa, anigu qiimaheygu wuxuu ku xiran yahay sida aan ahay, sababta aan mas’uuliyad kale  u qaadi waayey waxay tahay waxqabad inta  aan hayo ayaa igugu filan.Su’aal: Haddii ururada ama hay’adda Soomaalida aad talo siin lahayd, maxay taladaasi noqon lahayd.?

Cali Yaxye: Ururada waaweyn waxaan kula talin lahaa, ururka inuu marka hore dadka uu metelaayo waxa uu ugu maqan yahay inuu ka dhaadhiciyo. Dadka Soomaalida ah ee aan metelayno waa inaan xiriir fiican la leenahay, wixii aan ugu maqanahayna ay ogyihiin, mar walbana in ay waajib innagu tahay inaan la fadhiisano oo aan ogaano waxa aan isla wada qaban karno & wixii naga suurtageli kara, taas ayaa muhiim ah. Aniga Cali ah waa inaan kala gartaa wax aan milkiyad u leeyahay iyo wax ay bulshadu leedahay oo  aan shaqaale ama qaadun ka ahay.
Su’aal: Cali Yaxye, bacdamaa aad in muddo ah aad ka mid ahayd dadka hormuudka u ah mushtamacaaga Soomaalida, maxaa lagugu xasuusanayaa marka aad howlaha ururada ka fadhiisato.?
Cali Yaxye:  Berri ama maanta haddii ay tii ALLE ii timaado xasuus waxaa iigu filan haddii ay i dhahaan “Cali Yaxye nin miskiin ah oo gacanta u taagay ayuu soo istaajiyey ma jirto wax intaas igaga qiima badan” ma doonayo in cilmi ama wax kale la igu soo xasuusto, waxaa igu filan inaan ahaa bini’aadam wanaagsan [good human being].

Read Previous

NAADIYA MAXAMED “Soomaalidu ma ahan dad cabsada, ee waa dad xishooda”

Read Next

CABDINUUR “Waan iska casilay xilkii Guddoomiye ku-xigeenka guddiga jaaliyada”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *