NAADIYA MAXAMED “Soomaalidu ma ahan dad cabsada, ee waa dad xishooda”

Naadiya Maxamed waxay ka mid tahay gabdhaha jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Zwolle iyo nawaaxigeeda, waxay dhowaan la soo xiriirtay shabakada SOMNIEUWS, iyada oo ka hadashay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee jaaliyada.

Naadiya, waxay ugu baaqday Soomaalida ku dhaqan Zwolle & nawaaxigeeda in ay gacmaha is qabsadaan, meelna kaga soo wada jeestaan kuwa doonaya in ay magaca jaaliyada ku daneystaan.

Gacmo wadajir ayeey wax ku gooyaan, magac Soomaali ayaan wadanaa, hal Magaalo ayaan daganahay, dad yar ayaa nahay, ajnabiga kale ee Magaalada nala dagan waa dad middeysan, annaga Soomaalida ah maxaa nagu dhacay.? Ramadaankii 2 meel ayaa lagu kala afuri jiray, waxaan ku baaqayaa midnimo” Ayeey tiri Naadiya.

Naadiya, waxay intaasi ku dartay in ay ku faraxsan tahay in gabadha jaaliyada ay u dhaqaaqeen in ay ka hadlaan xaaladda kala qaybsanaanta ah ee jaaliyada.

“Haddaan kala garan wayno qofka inoo qidmeynaya & midka doonaya inuu ku magaceena ku shaqaysto, waa nasiib darro, waxaan ka mid ahay hooyooyin haysta caruur, waxaana u mahadcelinayaa Guddoomiyaha jaaliyada Axmed Hayaan, oo mar walba na garab taagan, wuxuu kaga duwan yahay qolyaha kale ma ahan shaqsi marka uu dadka wax u qabto ku faana” Ayeey tiri Naadiya, waxayna inatasi raacisay in hooyooyinka & haweenka degan Magaalada loo diyaariyey goob ay ku shiraan, caruurtana laga caawiyo casharada iskuulka, lana baro diinta & tarbiyada, halka guddigii hore ay ku fashilmeen howlihii loo igmaday.

“Soomaalidu ma ahan dad cabsada, ee waa dad xishooda, dadka Zwolle dagan way la socdaan marka waxqabad laga hadlayo in guddiga Axmed Hayaan ay kaalin muuqata  kaga jiraan jaaliyada, ayna si daacadnimo ah ugu qidmeeyaan jaaliyada, haddii se la doonayo in been cad la dhoodhoobo qolyaha kale ayaa dadka wax u qabta” Ayeey tiri Naadiya waxayna intaasi raacisay in  ay intaasi raacisay in ay u soo jeedinayso guddoomiyihii hore ee jaaliyada C/qaadir Nuune inuu la shaqeeyo guddiga uu madaxda u yahay Hayaan, iskana daayo sheegashada afka baarkiisa ah.

Read Previous

Nadia Mohamed: “Somaliërs zijn niet bang, ze zijn verlegen.”

Read Next

CALI YAXYE: “Fariimoos, Xuseen Khadiib & Cali Waare intuba waxay iga dalbadeen inaan ku soo biiro, waxaan u sheegay…..”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *