Holland, oo lagu qabtay kulan looga hadlayay caqabadaha ay la kulmaan ubadka Soomaalida [Sawirro]

Magaalada Zwolle, ee dalka Nederlands waxaa lagu qabtay kulan wacyigelin ah, oo looga hadlayay caqabadaha ay cunsurinimadu ka mid tahay ee ay la kulmaan ubadka Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi xilliyada ay  ku jiraan heerarka kala duwan ee waxbarashadda iyo saameynta horu-kaca noloshoodu  ku yeelan karo in ay ku hadlaan 2da luqadood ee kala ah; luqadoodii hooyo iyo luqada Dutch-ka.

Kulankan, waxaa abaabulkiisa  iska kaashaday Somali4all, dalladda FSAN iyo ururka ay ku middeysan yihiin Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, waxaanna ka soo qaybgalay waalidiin, aqoonyahanno iyo caruur Soomaali ah oo qudhooda soo bandhigay aragtidooda la xiriira 2dan mowduuc oo ay waalidiintu u arkaan in mar waliba laga hadlo si loo turxaan bixiyo muhiimada ubadka Soomaalidu ay u leedahay in marka hore ay dhaqankooda iyo luqadooda aqoonsadaan, isla markaanna ay helaan tallooyin u noqon kara [tools] ay kaga gaashaantaan xilliyada ay la kulmaan cunsurinimada.

Caruurteenu, marka ay Hollandeeyska saaxiibadood ah ama ardayda iskuulka la dhiganaysa ay la joogan waxaa loo arkaa ajnabi, waxaana dhici karta in mararka qaar la waydiiyo xilliga  dalkiisa/dalkeeda ay ku laabanayso, haddii marka adiga waalidka ah aadan dalkiisa u qurxin, oo aadan u sheegin in dalkeenu soo hagaagayo, lagana baxayo dhibaatada, oo aadan kaga sheekayn siduu dalkeenu ahaa beri-samaadkii, iyo nimcooyinka dalkeenu leeyahay ee aysan dalalka kale haysan, waxaa suurtagal ah in caruurtu ay is-ciil kaambiyaan, isuna arkaan in aysan dal lahayn. Tan kale ee muhiimka ahi waxay tahay; in ubadka la dhiirageliyo oo la yiraa, dalkaanna adigaa iska leh, ciddina kaama xigto, dalkaagana waa dalkaaga” Ayuu yiri Cusmaan Abuukar oo ka mid ah mas’uuliyiinta Somali4all, dhinaca kalena ahaa maskaxdii soo agaasintay kulankaasi.

Cusmaan Abukar, waxaa kale oo uu sheegay in horumar kasta ee bini’aadamku sameeyo ay ku xiran tahay yoolka [vision] ka la hiigsanayo, wuxuuna ku booriyay waalidiinta in ay culayska saaraan barashada luqada iyo dhaqanka dalkan, si ay ugu fududaato hagitaanka ubadka.

“Marka ubadkaagu ay kuu arkaan inaadan fahmi karin luqadda, ama aadan ka dhaadhicin karin sida aad u aragto dariiqa u wanaagsan waa dhibaato u baahan in xal loo helo” Ayuu yiri Cusmaan, isaga oo intaasi raaciyay in aqoonsiga shaqsiga ah ee qofka leeyahay ka sokow inuu yahay ajnabi, ay tahay sida uu dhaqanka iyo shuruucda dalkan oo ay luqadu ugu horreyso u fahmayo.

Cabbaas Cali Nuur & C/qaadir Abuukar oo ka mid ahaa aqoonyahanadii iyo waalidiintii kulankaasi ka hadlay waxay is-dul-istaageen muhiimada ay leedahay in caruurta Soomaalida ay fahmaan in iyaga oo dhaqankooda iyo luqadooda gacan ku haysta, in ay gacanta kalena ku qabsan karaan sida dalkan lagaga nool yahay, ayna tiigsan karaan horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

“Horumarka ubadkeenu wuxuu ku jiraa in ay ka faa’ideystaan fursadaha waxbarasho iyo shaqo ee dalkan laga helo, iyada oo aan laga tegin qabkeena iyo Soomaalinimadeena, haddana ay waajib inagaga dhigayso si ubadkeenu ay fursadahaasi kaga faa’ideystaan inaan kaga dayano wax walba oo wanaagsan oo aan ka hor imaanayn dhaqankeena iyo diinteena, Hollandeeyska wax badan ayaa laga baran karaa” Ayuu yiri Cabbaas, isaga oo tusaale u soo qaatay taariikh nololeedkiisa, kana sheekeeyay inuu dalkan yimid isaga oo aad u da’yar, uuna soo qaatay waxbarasho heerar kala duwan, maantana uu guranayo mirihii uu beertay xilligii waxbarashadiisa.

“Waxaa aad u badan waxa aan halkan ka faa’idi karno, waxaan nimid innaga oo qaxooti ah, waxaan helnay fursad la mid ah kuwa ay haystaan caruurta caddaanka ah ee dalkan u dhashay, heer kasta oo waxbarasho ah ama albaab kasta oo horumar lagu gaaro waxa innaga xiga waa dedaalka aan la nimaano oo keliya, nagama xigto inaan ajnabi madow nahay, ubadkeenu waa inaan ku dhiiragalinaa waxbarashada, tusnaa in waxa aad maanta barato aad berri ku intifaacayso, sidaas oo ay tahayna waa inaan ku dhiiragelinaa in aysan ka tegin in ay yihiin Soomaali, waalidkuna waa in ay caruurta baraan dhaqankooda iyo diintooda, haddii aadan caruurtaada barin wixii ay ku isku difaaci lahaayeen marka dalkooda wax laga waydiiyo, saaxiibadoodna ay u arkayaan in ay yihiin ajnabi, waa ay niyad jabayaan” Ayuu yiri Guddoomiyaha jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda Axmed Hayaan, isaga oo intaasi sii raaciyay in qof kasta uu garowsado inuu safiir ama wakiil ka yahay dalkiisa, ayna waajib ku tahay inuu la yimaado bulsho-la-dhaqan wanaagsan.

Kulanka waxaa soo xiray Guddoomiyaha jaaliyada Soomaaldia Zwolle Axmed Hayaan,  isaga oo ku ceceliyay baahida loo qabo kulamada nuucan ah, si kor loogu qaado wacyiga ubadka Soomaalida.

Read Previous

C/SALAAN: Mashruucii ugu horreeyey waxaan ka fulinay Garoowe

Read Next

HAYAAN: “Waxaan meeshan ku ilaalinaynaa magaca iyo sumacada dadkeena”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *