W/Arrimaha dibedda Holland oo baaq ujeedisay dadka haysta dhalashada Dutch-ka ee Soomaaliya ka imaanaya

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Holland ayaa ugu baaqday dadka asalkoodu Soomaaliga yahay ee haysta dhalashada dalkeeda, ee ka soo safraya Soomaaliya in marka ay dalka yimaadaan ay  geli doonaan 14 maalmood oo guryahooda ay isu karantiilayaan.

Warkan ayaa Wasaaradda ka soo baxay Jimcihii, waxaanna sababta lagu sheegay in ay la xiriirto walaac laga qabo cudurka Covid 19 oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameeyay.

Boqolaal Soomaali ah oo haysta dhalashada Dutch-ka ayaa ku sugan Soomaaliya, waxaanna dadkaasi ka mid ah; xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, shaqsiyaad ganacsiyo waawayn ku leh, kuwa dhaqatiir ah iyo kuwo meherado kala duwan ku haysta halkaas.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in dib loo furo Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde, waxaanna la filayaa in dadyow fara badan ay dib ugu soo laabanayaan dalalkii ay yimaadeen, halka ay jiraan dad doonaya in ay Soomaaliya u safraan.

Read Previous

HUSSEIN SULEIMAN (DAILY PAPER): ‘SOMMIGEN VINDEN ONZE MODE NIET AFRIKAANS GENOEG’

Read Next

Van Nederland naar Londen en weer terug: Somaliër Samater Geddi heeft zijn thuis nog niet gevonden

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *