Ganacsiga Soomaalida oo ku soo batay suuqa ugu ballaaran ee Yurub iyo calanka Soomaalida oo laga dajiyey afaafka hore

Suuqa ku yaal xaafada Beverwijk [Zwartmarket] oo ah suuq laga dukaamaysto maalmaha Sabtida iyo Axadda, dadka ugu badanna ee meheradaha ku haystana ay yihiin dadyowga ajnabiga ah, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanaya ganacsiyo kala duwan oo ay Soomaalidu ka furanayaan.

Suuqaan, oo lagu tilmaamo suuqa ugu wayn Yurub, waxaa lagu iibiyaa nuuc kasta oo ganacsi ah, waxaanna marka afaafka hore laga soo galo aad ku arkaysaa calamada dalalka ay u dhasheen dadka meheradaha ku haysta.

Calanka Soomaaliya oo muddo dheer ku jiray calamadaasi, ayaa muddo 2 sanno ka hor laga dajiyey halkii uu surnaa, waxaanna arrintaasi wax ka waydiiyey Ganacsade Cali Muuse, oo ahaa ganasidihii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo suuqaasi meherad ka furta, waxaanna uu ku jawaabay:-

 

“Dadka suuqa  meherada ku leh calamada dalalkooda  ayaa meesha hore la suraa, aniga ayaa geeyey calanka Soomaaliya, muddo markii uu surnaa ayaa loo baahday in la beddelo waayo waa maro, waddankana roob badan baa ka da’a,  anigana waa mashquulay, dadka Soomaalida ee halkan ku ganacsanaya ma ahan dad calankooda laxa-jeclo u qaba, balse annaga ayeey ceeb innagu tahay in dhammaan dadka ku ganacsatada suuqa ay calamadooda halkaas ka babanayaan keenana uusan ku jirin, waxaad halkaas ka garaneysaa in ay meesha ka soo baxayso in Soomaalidu aysan jirin wax qura oo ay wada leeyihiin, oo ay wada ilaashanayaan”

Read Previous

Aqoonyahanno isu tegay oo ka hadlay saameynta Covid 19 ku yeeshay nolosha mushtamaca Soomaalida Nederlands

Read Next

GUURRE “FSAN maanta waxay mareysaa  boqoradda dalkan Holland haddii ay  casho dhigayso magaceena waa ku jiraa” [WAREYSI]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *