Aqoonyahanno isu tegay oo ka hadlay saameynta Covid 19 ku yeeshay nolosha mushtamaca Soomaalida Nederlands

 Xubno ka kala socda qaybaha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederlands, ayaa kulan ay ku yeesheen qadka  “skype”  kaga hadlay saamaynta Soomalidu  ku yeeshay cudurka Covid 19, waxaanna kulankan qabsoomidiisa iska kaashaday hay’ad ay ku mideysan yihiin Soomaalida qurba joogta oo magaceeda loo soo gaabiyo GSD iyo dalladda FSAN, iyada oo kulankaasi la isku waydaarsaday tallooyin iyo khibrado la xiriira sidii ay Soomaalidu ula socon lahayd wararka iyo macluumaadka ka soo baxa wasaaradaha iyo hay’adaha qaabilsan ka hortagga cudurkaas.

Guddoomiyaha dallada FSAN Dr. Cali Waare oo kulanka ka hadlay, ayaa u mahadceliyey ka soo qaybgalayaasha, waxaanna uu tilmaamay in saameynta Soomaalidu ay aad u yarayd sababtuna ay tahay Soomaalida oo dagan deegaano kala durugsan.

“Way adkayd in la helo tirada saxda ah ee dadkii Soomaalida ahaa ee cudurkaasi u dhintay, balse qiyaastu waxay u dhexeysay 5 ilaa 6 qofood” Ayuu yiri Cali Waare, isaga oo intaasi raaciyey in wasaaradaha ku shaqada leh ay FSAN soo weydiisanayeen macluumaadka ay Soomaalida ugu baahan yihiin.

Garyaqaan Muuse Xirsi oo kulanka ka hadlay wuxuu dhinaciisa sharaxay in sharuucdii loo dajiyey ka hortaga cudurka Covid 19 in ay  dhaqangaleen, ayna shuruucdaasi oo ahaa kuwa u fulay sidii loogu talogalay ay yareeyeen kororka cudurkaas, casharada laga baran karana ay tahay in wax waliba oo wadajir lagaga hortago laga gun gaari karo.

“Dhanka sharciga marka aan ka fiiriyo, ujeedada la rabo in lagu gaaro tallaabooyinka ay dowladdu soo saartay waxaa bud-dhig u ah 3 arrimood kuwaas oo kala ahaa:- 1] In la yareeyo, ama la xaddido inuu xanuunkaasi faafo, 2] in la ilaaliyo awoodda caafimaadka, haddii awooda caafimaad ee dowladdu leedahay ay ka badato dadka uu xanuunka soo ridanayo waa dhibaato iyo 3]  tan ugu dambaysa oo ah, in la ilaaliyo dadka xanuunada kale qabay iyo kuwa da’da” Ayuu yiri Garyaqaan Muuse.

Aqoonyahan C/qaadir Cali Nuune oo ka mid ahaa aqoonyahanadii kulankaasi ka qaybgalay wuxuu sheegay in jaaliyada uu isagu metelo ee Zwolle iyo nawaaxigeeda ay qaateen door isugu jira wacyigelin iyo in ay saacidaan dadka baahiyaha gaarka ah qabo, uguna geeyaan guryahooda adeegyada ay u baahan yihiin.

“Mar walba oo ay dowladda ka soo baxaan awaamiir cusub waxaan isku dayeynay in dadka Soomaalidaa aan farriimahaasi u gaarsiino si waadix ah, kula talino in ay guryahooda joogaan, una hogaansamaan tallooyinka caafimaad ee ka imaanaya wasaaradda caafimaadka” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Zwolle iyo nawaaxigeeda C/qaadir Nuune.

Cabbaas Cali Nuur wuxuu la-taliye iyo xisaabiye u yahay ganacsatada ugu badan ee Soomaalida, isaga oo sheegay in saameyn dhinacyo badan taabanaysa uu ku yeeshay Covid 19 dadka Soomaalida, gaar ahaan ganacsatada.

“Dadka Soomaalida ah ee saameynta ugu ballaaran uu ku yeeshay waxaa ka mid ahaa taksiilayaasha, nooc waxaa jira lagu qasbay in ay shaqooyinkooda joojiyaan, waxaa jira kuwa aan lagu qasbin balse uu saameeyey maadaama daqligii soo galayey uu hoos u dhacay, Soomaalidii xoogsatada ahaa waxaa soo foodsaartay culays, nasiib wanaag dowladdu waxay u saameysay qoondo gaar ah oo lagu saacidayo dadkaasi, iyada oo laga eegayo qasaaraha qolo waliba soo gaaray” Ayuu yiri Cabaas Cali Nuur, oo qaab cilmi ah u sharaxayay sida cudurkaasi u sameeyey Soomaalida shirkadaha ku leh iyo kuwa ganacsiga haysta.

Cabbaas, wuxuu intaasi sii raaciyey in dhinacyada saameynta gaartay ay ku jiraan ardayda Soomaalida ah ee wax ku barta iskuulada iyo jaamacadaha dalkan.

“Saameynta aniga   aad ii taabatay  waxaa ka mid ah, in iskuulaadkii la yiri ardaydu waa in ay guryahooda joogaan, casharadana lagu qaato “Online” waxaa jira qoysas Soomaaliyeed oo ay haysata caruur ilaa 7 ah, siddee suurtagal ku noqoneysaa caruur 6 ama 7 ah in oo kulligood casharka wada galaya 9ka subaxnimo in ay wadaagaan 1 ama 2 Laptop, anigu waxaan la xiriiray xarunta degmada [Gemeentehuis] markii aan u bandhignay xaaladda waxay balanqaadeen in ay caawinayaan qoysaska Soomaalida” Ayuu yiri Cabbaas Cali Nuur.

Read Previous

Safiya Roble-van Deursen : Gabadhii ugu horreeysay Soomaali ah, oo qareen ka noqoto Nederlands [Waraysi]

Read Next

Ganacsiga Soomaalida oo ku soo batay suuqa ugu ballaaran ee Yurub iyo calanka Soomaalida oo laga dajiyey afaafka hore

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *